Ujeedo Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Midnimo

midnimo_plandHannaanka xisbiyada badan ee Puntland laga dhaqangeliyey, wuxuu soo dhoweyn ka helay inta badan dadka reer Puntland. Ururka midnimo-na wuxuu ka mid yahay ururrada siyaasadeed ee loo dhisay  ka qaybqaadashada hanaan siyaasadeed oo ku dhisan tartan xor iyo xalaal ah. Kuma jirto qorshayaasha ururka Midnimo inuu ka qaybqaato isqabqabsi iyo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nabadgelyada guud iyo jiritaanka Puntland. Ururku wuxuu go’aansaday inuu raaco habraac sharci ah, kaasoo suurtogelin kara in hogaanka dalka si hufan loogu tartamo. Balse, waxaa jira caqado badan oo  ragaadin kara gaarista yoolkaas la wada hiigsanayo. Kuwaasoo ka imanaya habsami u raacista heshiisyada iyo xeerarka la ansixiyey iyo saamaynta (influence) dawladdu ku leedahay guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Puntland.

Ugu horayn, guddiga doorashooyinku kuma guuleysan inay xeerarka iyo habraacyada ay umadda u soo bandhigeen u raacaan sidii ay ugu talo galeen, ururrada siyaasadda ee mucaaradka ahna lama siin fursad ay taladooda ku gudbiyaan sida ku cad qodobadan soo socda. Waa tan koowaade, khariidadii (road map) ee ay sameeyeen waxaa ku dhacay isbedel dhamaystiran. Tusaale ahaan, xeerka doorashada xubnaha baarlamaanka ee la qorsheeyey in la ansixiyo inta ka horaysa 15 janaayo, ilaa iyo hadda lama unkin. Tan labaade, gudiga doorashooyinku waxay ururada ku wargeliyeen in ay shirarkooda qabsadaan inta ka horaysa 5-ta Feb. Balse, ururada qaarkood ayaa shirarkoodii qabsaday 18-kii February iyo ka dib, iyagoo sakhiraad ka helay guddiga doorashada. Tan sadeexaade, diiwaangelinta taageerayaasha ururrada siyaasadda ee la qorsheeyey inay soo gabogabowdo 6:00 PM ee maalinta bisha febaraayo tahay 9-ka, ayaa noqotay mid maalmo dheeri ah qaadatay. Taasoo muujinaysa in ururada qaarkood loo fidiyey waqtiga diiwaangelinta, halka ururada qaarkoodna hal maalin keliya la siiyey. Ugu dambayn, sida ku cad jadwalka guddiga doorashooyinku soo gudbiyey isla markaasna ay mar labaad 16-kii Feb e-mail ugu direen ururrada, waxay loo baahnaa in urur walbaa keeno dadkii taageerayaashiisa ahaa ee loo diiwaangeliyey, guddiguna waxay ahayd inuu ka hubiyo, ururkii buuxin waayana la reebo. Hase ahaatee, guddigu waxuu 18-kii bisha ku wargeliey ururrada in la joojiyey hubintii. Taasoo loo fahmi karo ururro gaar ah loogu xaglinayo, kuwaasoo aysan u suuroobi kari lahayn keenista dadkii u diiwaangashannaa.

Tan labaad, waxaa jirey arrimo badan oo ay ahayd in la fuliyo ama la dhammaystiro ka hor inta aan loo dareerin doorashada golayaasha deegaanka. Sida tirakoobka dadka Puntland, Hubka dhigista, samaynta kaararka aqoonsiga, kala xadaynta degoomiynka cusub iyo kuwii hore iyo weliba dhismaha maxkamad dastuuri ah oo illaalisa dastuurka iyo xeerarka dalka, go’aanna ka gaarta dacwadaha dastuuriga ah. Lamana garanayo sida arrimahaas loogu qaban karo waqtiga kooban ee ka haray xilligii guddiga doorashooyinku u qabteen qabashada doorashada golayaasha deegaanka. Waxa intaas raaca, waxaa jira xeerar badan oo loo baahnaa in la sameeyo ka hor doorashooyinka. Balse waxaa dhacday in golihii xukuumada iyo kii baarlaamka ee ansixin lahaa xeerarkaas ay badankoodu ka mid noqdeen mid ka mid ah ururrada siyaasadda ee hadda jira. Haddaba waxaa la isweydiin karaa xeerka hadda ay sameeyaan ma wuxuu noqonayaa mid u daneeya dadka Puntland oo dhan mise wuxuu noqonayaa mid u daneeya ururkooda. Waxaa xusid mudan in guddiga doorashada ee hadda jira ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka kuwaasoo hadda ah xubnaha ugu sareeya ee xisbigooda.

Intaa waxaa dheer, waxaan ka warhelnay in la rabo in la laalo labo qodob oo ku jirey xeerkii golayaasha deegaanka ee hore loo ansixiyey. Sida qodobka ka hadlaya in qofka codka bixin karaa yahay qof muwaadin reer Puntland ah, da;diisuna aysan ka yarayn 18 jir oo haysta warqad aqoonsi ah. Kan labaadna yahay, in doorashada lagu galo iyadoo aysan jirin diiwaanka codeeyayaasha. Haddaba waxaan u aragnaa in labadaas qodob ay saldhig u yihiin dhicitaanka doorasho xor iyo xalaal ah, ka saaridooduna ay u gogol xaarayso ku shubasho, cod gadasho iyo boob. Sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in haddii qodobadaas la saaro aannaan qayb ka noqonayn doorasho musuqmaasuq ku dhisan, taasoo khatar gelin karta ammaanka guud ee dalka iyo jiritaanka.

Gabagabadii, waxaan caddaynaynaa in aanu welwel ka qabno sida hadda wax u socdaan. Ka qayb galkayaga doorashooyinkuna ku xiran yihiin in la helo guddi dhexdhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaasna la diiwaangeliyo codbixiyayaasha, loona sameeyo aqoonsi. Si loo helo doorasho xalaal ah oo lagu wada qanci karo.

 

Axmed Siciid Muuse

Afhayeenka ku meelgaarka ah ee Ururka

_________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 21, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.