Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa ka digay in maamul aan laga tala gelin dadka deegaanka loo sameeyo deegaanada Jubooyinka.
Aadan Madoobe ayaa sheegay beel gaar ah ay wadato Maamul u samaynta Jubbooyinka, wuxuuna dhaliilay Maamulka KMG ee Axmed Madoobe.
“Waxaan Nairobi kula soo kulanay qolooyinka ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka, waxaa kula talinay in aan lagu fududaan dhismaha maamulkaas oo aan lagu deg degin” Ayuu yiri Aadan Madoobe.
Goob Joogayaal Ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha,Dekedda iyo Baro Kontorol ay Ciidamada Kenya ku wareejiyeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si Kastaba Dhawaan ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto Shirka Maamul u Sameynta Gobolada jubbooyinka iyadoona hore loo Iclaaniyay in Maalinta ay Bishani tahay 23ka in Shirku si rasmi ah u furmi doono hadaanay soo bixin arrimo kale oo sababa in dib loo dhigo.
.
.
Keydmedia Online (KON) – Xafiiska Kismaayo
________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize