Maamulka Muqdisho Mise Meelaha Kale?!

Bashiir M. Hersi – Napoleone Bonaparte xilli uu duullaan ku ahaa dalka Masar, ayaa Saraakiil Sarsare oo ka tirsan ciidankiisu ka soo horjeesteen. Si uu ugu qanciyo ayuu wuxuu yiri, oraahdaan caan baxday ee ah: “Ii sheeg qofka Masar xukuma, waxaan kuu sheegayaa qofka adduunka xukumee!” illeen Masar waxaa ku yaal Marinka Suways, oo halbowle iyo dhuun u ah isu gooshka dhammaan ganacsiga dunida.

Bashir M. Hersi

Bashir M. Hersi

Inta badan qoraalladayda marka aan sawir ka bixinayo xaaladda Waddanka, waxaan ku soo koobaa sidan: “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA!” sidaa maxaan u lahaa? Warcelinta waxaad ka dhex heli doontaa qormadee, aan adiga ku weydiiyo aqrite, Magaalada Muqidisha ma ISBADAL ayaa ka dhacay? Macne iyo mug mid uu ahaadaba, illeen walxuhu labadaa ayey u kala leexdaane.

Is rogiddaa ka dhacday; habka, hannaanka iyo hoggaanka Muqdisho, wax garab socday ma jirin ee la dhihi karo waxay bixin karaan ama baabi karaan wixii dhantaal, dhimaal iyo dhaamid ahaa. Waxaan uga jeedaa, rogmadyadii hore marna ma dhicin in “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA!” ay hesho horseed ku haga hilin ay uga huleeli karto hudda halaagga ee ay ku habsatay.

Meel xun iyo magaal xasarad gaar u leh ma jirto. Waxaase jira MAAN MARAN iyo MAQAAM MURAN! Micnaha dadka iyo dareenkooda unbaa xume, daar ama duddun daran ma jiraan. Waa tii la yiri: “Duddun dareensi iyo duggaashi ma gasho!” waxay tahay in aadan mar walba laba isku helayn, aan ku qotomiyo teennee, adoo xun magaalo ma wanaajin kartid. Dad iyo dabcigiis ka sii fog baan filaa. Maxaa yeelay; maan ahaan uma diyaarsanid, inta aan la gaarin maqaam iyo muuqaal.

Saddaxda qodob ee kala ah: 1- Muqdisha oo cududdii ciidan ee Alshabaab laga saaray. 2- Muqdisho oo laga hirgalshay kulankii duubabka DHAQANKA iyo SIYAASADDA. 3- Dhaqdhaqaaqya kala gaddisan, ee leh; dib u dhis, guriyeyn, camiraad iyo wixii soo raaca. Ayaa waxay keeneen in Muqdisho ay noqoto magaalo aan magacii hore iyo muuqii hore midna lahayn, oo aan filayo inay tahay aragti aan qaldanayn, haddii aysan ka tan badin ALALAASKA iyo CAADIFADDU.

Haddaba, Muqdisha hoggaankeeda iyo hannaankeeda maxaa iska badalay? Qormo hore baan ku sheegay in la kala qaado labada xil ee kala ah: GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR iyo DUQA MAGAALADA MUQDISHO. Kuma ekaysane, waxaan ku daray in Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” qudhiisa aan laga reebin ragga uu haraadiga ka yahay, ee ay hore u soo wada shaqeeyeen. Tii ka dhacday waaba la ogaa, dirir iyo docdocaynba la iga dayn waa. Waxaana la i weydiiyey su’aashan: “MAXAAD INANTA U TIRI; LABA NIN HA LOO WADA GUURIYO?”.

Anoo aragtidii qaba, oon marna ka tanaasulin, aysanna xurguf iyo xasarad na dhex ool aniga iyo Mudane Tarzan, oo annaanba is garanayn, hunguri iyo hammina iga hayn xil guud iyo mid gaar ahaaneed oo laga qabto Muqdisha. Wali waa taagan tahay baahida ah in labadaa xil la kala qaado. Kana sii muhimsane, wali waa taagan tahay baahida xidid siibka iyo jiridka jarka Musuqa iyo mururufaynta. Ma ahan in Mudane Tarzan aan eedaynayo, balse, aragti ahaan waxaan qabaa in hoggaankii hore ee uu hooris iyo hore meel uun uga jiray inaysan hufnaan ku shaqayn. Taana waxay keenaysaa in wali baqdintu tahay, haddaan Maska Madaxa laga goyn, ma dhinto!

Qodobkaasi waa hoggaanka magaalada, maxaa yeelay, had iyo jeer sida hoggaanku u wanaagsan yahay ama u xun yahay ayaa loo dib dhacaa ama loo hormaraa. Aan jalleeco dhanka kale, ee aan marna ka ahmiyad yarayn hoggaanka. Waxaanba dhihi karaa, waa midka dadka dhami wada arki karaan, ee ay xukun iyo xus ku sheegi karaan. Maadaama ay tahay ilqabato iyo marag ma doonto.

Qodobkaa waa AMMAANKA. Waa filaa inaad adba sawiratay aragtidaada ku aaddan ammaan, waxa uu yahay, sida loo heli karo, waxa lagu ilaalsho, waxa dhimaala ama nusqaamiya, waxa lagu xakameeyo IWM. Haddaan NABADI jirin NOLOLI ma jirto, heestu waa tii ahayd: “Nabadaa Naas la nuuga leh!” ama “Nabadeey macaaneey” ee Abwaan Barre Maxamed Fiidow Leento curiyey. Haddaad ammaan la helin, aayo dambe iyo ayaan la joogo midna ma jiraan. Haddaan xasilooni la helin xasaradi dhammaan mee. Haddaan.. haddaan…

Haddaba, weydiinta baa ah; dawladdan cusubi maxay ka qabatay ammaanka? Maxay soo bandhigtay oo qorshe ah, ee la xiriira ammanka Muqdisho? Qorshe marka aan ku leeyahay waxay isugu jiri karaan dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq. Aan si kale u dhehee, marka laga soo tago in Muqdisho laga saaray Alshabaab, ma la helay hab lagu hagi kari nabadda Muqdisho?.

Anoo warcelinta dib u dhiganaya, aan bal qodob muhim ah qoro, oo ah cinwaanka qormada. Aqriste, waxaad ogaataa, qofkii Xamar xukuma ayaa Soomaaliya xukuma. Micnaha waa midda aan u soo qaatay oraahda sare ee aan ku billaabay qormada. Ma ahan amrid kaliya, ee waa maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Had walba heer socodka dalku wuxuu ku xiran yahay Caasimadda Muqdisha.

Aan kuu tusaaleeyee, maalintii dawladda Soomaaliya dhacday, meeshii ugu dambaysay, ee maamulkeedu ka dhisnaa Xamar bay ahayd. Waa dhihi kartaa madaxtooyadaa ku taallay, waxaa la yiri; “Libaax baqtiyey Maqaarkiisa lagu muran!” Oo waxa aan kuu leeyahay aragtida baaba ah inayba sidaa tahay. Sidoo kale maalintii Gen. Caydiid dhisayey dawladdiisii SALBALLAAR Bari iyo Waqooyi ayaa looga soo xil doontay, haddaba, maxaad ku macnayn kartaa?.

Maalintii Maxkamaduhu ay gacanta u dhigeen Muqdisho, waqti badan kuma qaadan in Gobollada Koofureed iyo Bartamaha ay soo xero galiyeen, heer Bari iyo Waqooyi ay cabsi la gilgilsheen, oo aqriste, Wadaaddadii Waallida waday haddaan Xabashidu hor joogsan lahayn ma kula tahay inay ka hakan lahaayeen gobolladaa? Anigu isma dhihin, balse, nasiib wanaag, hortoodbaa lagu soo baxay.

Falkii u dambeeyey wuxuu ahaa, dawladdii Shariif markii ay Alshabaab ka saartay Muqdisho ayaa awood loo helay in Gobollo kale laga saaro, heer Kismaayo laga baxsho, taa oo ka dhigan had walba qofka Muqdisha maamula ayaa gobollada ku xeeran oo dhan maamula si gaara, si guudna u maamula Soomaaliya.

Maanta haddii magaalada Alshabaab markii laga saaray laga joogo sanad iyo bilo, ayna wali jiraan qaraxyo, madaafiic habaaw ah, dilal qorshayn, bam gacmeedyo, Miina aasid IWM Muqdisho ma tahay magaaladii loo wada han weynaa? Kuma lihi magaalada waa inay intaa iyo inta kale ee aanan xusin ay ka dhammaadaan, illeen maba laga dhammayn karoo, magaalooyinka adduunka ugu nabadda badan ayey ka dhacaane, balse, midda aan weydiinayo baa ah, armaa wali gaabis baaxad leh jiraa?.

Aan sii jilciyee, inta shirar iyo sheeko la waday anigu wali ma shaahidin qorshe dhigsan iyo qaab qoran oo ku qeexan yihiin sida la doonayo in lagu sugo ee loo xoojiyo ammaanka Muqdisha. Taa oo keenaysa in weydiimuhu joogto ahaadaan, haddii aysan sii badanba. Dabcan waa la dhihi karaa, marar badan baa looga dooday looga hadlay, lagu soo qaaday kulammada dawladda u dhexdeeya ama ay shisheeyahaba la yeelato. Haddana, aqriste, adiga wax baddal ah ma ku muuqdaan? Haa, ha la soo boodin, illeen waa inaad eegtaa sanad ka hor sida meeshu ahayde, haddii kale, waxaad noqon INDHA KU GARAADLE!

Meelaha Muqdisho ugu nabdoon ee dadku habeenkii ku fiidsadaan waxaa la dhihi karaa inta u dhaxaysa LIIDO iyo agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir. Haddana, waxaa hubaal ah in nabaddu aysan ahayn Sarkaal Dowladeed oo Ciidmao Beeleed la socdaan. Ama mudane ay Askarta AMISOM ku gadaaman yihiin, ee ku dhex noqnoqda Xaafadaha Muqdisho.

Sidoo kale nabaddu ma ahan dabaqyo dhisid iyo guryo gadasho. Gaar ahaan xaaafado kooban oo ku yaal Muqdisha. Maxaa yeelay waxaan isla qirsannay in dawladdu aysan si buuxda uga talin dhammaan Waddooyina Muqdisho. Taa macnaheeda ma ahan in ay qolo kale haystaan, balse, ay jiraan wali awooddii sharta ee Alshabaab. Haddii uu yaraaday iska hor imaadkii foolka foolka ahaa iyo dirirkaa qoryaha culus, wali waxaan dhammaan qarixii iyo qalalabtoodii.

Si walbaba, Dowladdu waa inay xoogga saartaa nabadda iyo amniga Muqdisho, oo ay soo bandhigtaa qorshe meel loo raaco leh. Si loo helo hufnaan iyo qof lala xisaabtamo berri. Maxaa yeelay, inta laga helayo in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale hoose, Xildhibaan ama mas’uul saree kali ahaan u  dhex mushaaxi karo guud ahaan xaafadaha Muqdisho oo dhan iyadoon jirin cabsi iyo baqdin, nabadi ma jirto.

Inta laga samaynayo qorshe cad amni ma dhawa. Af wax laga sheego meel lagu gaari maayo. Dunida qorshe dhigan iyo qaab sar go’an ayaa lagu socdaa. Dawladda ayaana taa laga doonayaa, ee waan filaa inaan qof kale looga fadhin.

Inta aanan Muqdisha sheekadeeda ka bixin, aan ku qodbo qodob muhim ah, ee la xiriira maalka Muqidha.

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI”, mudane walba wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaaddo, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaaddo? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.
Midda kaba muhimsan baa ah, horta Xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya Mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa AFAR iyo BAR oo ka dhigan beelee.
Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Ugu dambayn, dalku waa FEDERAL ama BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha Waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa BEESHUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeen haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya hala jaqee, iyana ka daashay GAFANEE.

Dhanka kale, in kasta oo aanan anigu qolo gaar ah dhaleecaynayn, haddana, Hotellada Xamar, waxaa habeenkii lagu seexdaa saddax Boqol oo Dollar. Dhabbaha dhinaca kale ka marana waxaa ku yaal xeryo barakacaal. Ani suma kay qaban. Qolada Qurbajoogta lagu sheego ayey taa si toos ah u taabanaysaa iyo dabcan maamulka Gobolka, oo uu ugu horreeyo Tarzan, oo isba ah Qurbajoog xil haya ah. Illeen haddii laga qaado meesha uu ku dambayn doono cid garanaysaa ma jirtee.

Dhanka kale, marka Maamulka Gobolku leeyahay Shirkaddii ama Shaqsigii Ganacsi furayana, waxaa loogu deeqayaa dhul bannaan oo bilaash, saw xaq iyo xilba ugama mudna inta ku dhibaaysan xeryaha qaxootiga, ee aan gurina lahayn, kirana aan iska bixin? Isla sidoo kale, saw ugama baahi badna, dadka deggan xarumaha Dawladda, ee maalin walba caga juglaynta iyo baqdinta raaxada looga qaaday? Anigu ma garan.

Aanse aragti yar gudbiyee, haddii la qaadan karo, waan hubaa in la hirgalin karee, waa haddii ay jirto niyadsami iyo nuglaashee. Aragtidu waxay tahay; dadka deggan xarumaha dawladda iyo kuwa ku jira xeryaha Qaxootiga IN SI KU MEEL GAAR AH LOOGu CABBIRO BOOSAS AY DEGAAN, oo dawladdu leedahay, magaciisuna uusan ku qornayn, si berri iyo maalin kale hadba isbadalka jira iyo sida wax ku dambeeyaan loogu go’an qaato.

Sidoo kale, saw ma habboona in dawladdu ay dhismayaal ay leedahay dadka danyarta ah dib u dejiso, loogana kireeyo qarash aad uga yar, marka la barbardhigo kan Suuqa Kirada Guryaha. Kaba sii muhimsane, ugu yaraan, haddii aysan dadka barakacayaasha ah oo dhan taa u awoodin, saw ma ma qummana in Ciidanka Daawladda ee jaadadka kala duwan leh, inay dhismayaal gaar ah u sameeyaan, gaar ahaan intooda saboolka ah.

Caasimadda oon laga dhigin nabad buuxda, aanna wax laga qaban dhammaan arrimaha caqabadda ku ah nabadda Muqdisho, wax walba oo la sameeyo, gobol walba oo laga qabsado Alshabaab iyo dhaqaale walba oo dawladda loogu deeqo, waxba soo kordhin maayaan.

Maanka, maalka iyo muruqa waa in la isugu geeyaa sidii Muqdisho nabad looga dhigi lahaa, dhisme iyo dhaqaale isagaanba ka dhimmanaan doonine.
.

.

By Bashiir M. Hersi – brdiraac@hotmail.com

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 22, 2013. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.