Xagee ku dambeeyeen Hogaamiyaasha Kooxda Al-Shabaab?

Keydmedia Online Exclusive – Markii Al-Shabaab ay waayeen magaalooyin badan oo muhiim u ahaa isla markaana ku yaala gobalada Soomaaliya, maamuli jireenah Sanado badan ayaa waxaa kala firxaday Hogaamiyaasha ugu sareeya Kooxda.

Hogaamiyaasha oo isugu jira Soomaaliya yo Ajaanib isla markaana kala kala sareeya ayaa haatan mid walba wuxuu ka dhacay meel gaar ah, inkastoo qaarkood ay isla joogaan.

shabab_leaders

Dadka la socda Arimaha kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegaya in ay kala fogaadaan Hogaamiyaasha Al-Shabaab ay sabab u tahay kal sooni daro soo kala dhexgashay labadii Sano ee ugu danbaysay.

Keydmedia Online oo mudo baaraysay Warbixintaan ayaan heshay Xog ku aadan meelaha ay u badanyihiin hogaamiyaasha Al-Shabaab qaarkood, inkastoo ay yihiin kuwo guur guura markasta ayaga oo ka fikiraya in la soo beegsado, ama la soo weeraro.

Hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab oo lagu magacaabo Axmed Godane, laakiin la baxay Muqtaar Abuu Subayr, iyo waliba saraakiil kale oo aanan magacyadooda la sheegin oo aad isugu kal soonyihiin ayaa waxay ku dhuumaalaysanayaan deegaano ka jirsan Shabeelaha Hoose, waxaana ay u badanyihiin dhulka Miyga ah, iyadoona mar mar uu tago Abuu Subayr magaalada Barawe oo ah mid ah meelaha ugu muhiimsan oo Al-Shabaab wali ay maamulaan.

Sidoo kale waxaa si caadi ah u dagan magaalada Baraawe masuuliyiin uu ka midyahay Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab laakiin aanan xilal sar sare aanan ka hayn.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku suganyahay deegaano ka tirsan gobalka Baay sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) iyo Fu’aad Shangole, oo ayaguna ka mid ah raga sar sare ee Al-Shabaab ayaa waxay u badanyihiin socod waxaana markasta ay tagaan deegaano hor leh oo ka mid ah dhulka ay kooxdu wali maamusho, sidoo kale Cali Dheere ayaa Bishii lasoo dhaafay lagu arkay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo u gudbay dhanka deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan dhulka buuraha leh ee gobalka bari.

Hogaamiyaasha ugu sareeya Al-Shabaab ee ku kala sugan meelahaasi kala duwan inta badan kulamo toos ah ma yeeshaan qaarkoodna isla markin mudooyin badan laakiin waxaa yiri xiriir ka dhaxeeya oo kala warqaadasho ah.

Awooda Al-Shabaab oo sii wiiqmaysa ayaa waxaa sabab looga dhigaya kal soonidii iyo is aaminaadii ka dhaxaysay kooxdaan oo gabi ahaanba burburtay, iyo Ajaanibta Al-Shabaab oo ka baqaya in ay shirqoolaan qaar ka mid ah xubnaha kooxda.

.

.

 

Keydmedia Online – http://www.keydmedia.net

_______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 22, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.