Xiriirka K/Cagta oo soo saarey Jadwalka horyaalada heerarka 2 & 3aad

teams

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa kulan balaaran oo lagu sameynayey Jadwalka isku aadka Horyaalka kubadda cagta ee kooxaha heerka 2aad iyo 3aad la qaatey madaxda kooxahaasi.

Cabdi qani Saciid Carab oo ah Xoghayaha xiriirka ayaa sheegey in horyaalada heerarka 2aad iyo 3aad ee xili ciyaaredka  2013 si rasmi ah u bilaaban doono 19-ka & 21-April iyadoo lagu ciyaari doono garoonka Jaamacadaha ee Mudisho.

“Horyaalada heerarka 2aad iyo 3aad waxay inoo leedahay muhiimad gaar ah,iyadoo ay eyb ka tahay barnaamijyada horumarinta dhalinta da’da yar si aynu u helno ciyaaryahano metesha xulalka  junyerska”ayuu raaciyey xoghayaha oo xusey in horyaalka heerka 1aad uu raaci doono marka tartamadan dhamaadaan.

Horyaalka heerka 2aad ee dalka ayaa waxaa ka eybgalaysa ilaa 8 kooxood oo u diiwaangashan X.S.K.Cagta kuwaasi oo kala ah Al-Beder, DBG, Saxaafi, ABM Express, S/Fruit , G/Afgooye, Fc Banadir iyo Dahabshiil.

Dhinaca kale horyaalka heerka 3aad ayaa waxaa ka eybgalaya 9 kooxood oo kala ah,G. Afrika,Midnimo,B. Dhexe,Mog United,Signjet,Hilaac,Raadsan,Gasco iyo Jamhuuriya.

 .ffff

.

Daabaco Jadwalka Wareega 1aad

 

  C/xafiid Zaciimka

zaciimka2@hotmail.com

___________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 16, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.