TACSI – Allaha u naxariisto Drs Nuurto Xaaji Xasan

Innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

 

Muqdisho, 28 May 2013 – Waxaa xalay oo ay taariikhdu aheyd 27 May 2013 ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada Allaha u naxariistee Drs Nuurto Xaaji Xasan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, shacabka Soomaaliyeed samir iyo iiman EEBBE ka siiyo.

 

Drs Nuurto Xaaji Xasan ayaa ahaan jirtey Garyaqaanka Guud ee Qaranka, aheydna Lawyarad sumcad iyo sharaf weyn ku dhex leheyd bulshada Soomaaliyeed. Drs Nuurto ayaa horey uga mid aheyd guddigii dastuurkii hore ee Soomaaliya xilligii dowladda Siyaad Barre.

.

-       DHAMAAD -



Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia

________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 29, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>