Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furayo

city-university-muqdishoJaamacaddan City University ee laga hirgalinayay magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqoneysa Jaamacadaha waayahan dalka gudahiisa laga hirgalinayey ee isku dayaya in ay sare u qaadaan Tacliinta waddanka, maadaama baahi weyn loo qabo in Jaamacado Nidaam casri ah ku shaqeeya ay helaan bulshada Soomaailyeed.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Jaamacadda City University  Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo maanta xafiiskiisa ugu warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dad Soomaaliyeed ay dadaal badan ku soo bixiyeen sida ay ugu guuleysteen in dalka ay ka hirgaliyaan Jaamacado Waxbarasho, isagoo ka hadlay Jaamacadda City University waxa ay Umadda u soo kordhineysa.

“Dhowr iyo laabantii sano waxaad ka warqabtaan in dad xeel dheerayaal ah u istaageen in la helo waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed, wayna ku mahadsanyihiin dadaalkaasi, jaamacaddan cusub waxaa taladeeda iska lahaa  Prof C/laahi Axmed Bariise oo Macalin ka soo noqday jaamacado kala duwan oo Canada iyo Asia ku yaala, u jeedada jaamacadduna waa in ay soo kordhiso taqasuusyo kala duwan oo ardayda Soomaaliyeed wax tar u leh, kuwaasi oo aan falayo in aan kaga duwanaan doono jaamacadaha dalka laga hirgeliyay” ayuu yiri C/kariin Xasan Jaamac.

city-university-muqdisho4

Mudane C/kariin Xasan Jaamac Guddoomyaha Jaamacadda ayaa tilmaamay in ay dadaal ku  bixiyeen sidii loo abuuri lahaa Nidaam ka badelan sida hadda Jaamacadaha looga faa’iideyso, islamarkaana u jeedada ay tahay in laga qeyb qaato soo saaridda Jiil Waxbarta oo dalka wax u tara.

“Baahida loo qabo in la helo Fucultiyo kala duwan ayaa keentay in la furo jaamacaddan, waxaana hiigsanaynaa in la sii horumariyo qorshaha aan u furnay Jaamacadda City University” ayuu markale hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Jaamacadda.

Maamulka Jaamacadda City University ayaa ballan qaaday in ay xooga saari doonaan sidii Nidaamka ay ku qaadanyaan Arday Soomaaliyeed uu noqon doono mid lagu qiimeeyo heerka Waxbarasho, waxaana Muddooyinka soo badanayey Jaamacadaha laga hirgalinayo Gudaha dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, si loogu guuleysto hirgalinta Waxbarasho la Jaan qaaddo Jaamacadaha kale ee dunida, taasi oo qayb ka ah horumarka uu dalka ku talaabsanayo.

.city-university-muqdisho3 city-university-muqdisho2

.

Source: Radio Muqdisho

_____________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 20, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>