20865 Views

Wax nala tus, waxna noo laaban!

Wax nala tus, waxna noo laaban!
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | December 19, 2014 – Wax la sugaba waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabay nin aan shaqsi ahaan ku cusbeyn dadka Somaliyeed, kaasoo ka soo jeeda reer ay ummada Somaliyeed aqoon fiican u leedahay islamarkaana sidi aabihii uu labada xil ee wadanka ugu sareeysa u qabtay oo kale isagana ay u suurto gashay inuu ka noqdo raisulwasaare marki labaad dalka Somaliya.

rw-cumar-c-sharmarke-2-405x182Cumar Cabdirashiid waa nin ku dhashay kuna barbaaray magaaladda Muqdisho, inkastoo isagoo da’yar aabihii la dilay isagoo xilkii madaxtinimada haya, hadana sida ay Somalidu ku sheegaan ah nin ku soo barbaaray qoys siyaasadeed, dhinaca kalena u muuqda inuu yahay nin aan qabiil u baahan noloshiisa, maadaama uu ku barbaaray muqdisho oo ah magaalada keliya ee ay ka suurto geli karto wadanka inuu qofku ku yeesho saaxiibo Somali oo dhan isugu jira.

Laakiin waxay dad badani isweeydiinayaan maxay tahay sababta loogu baahday mar labaad in uu noqdo Cumar Cabdirashiid raisulwasaaraha wadanka ?

Koleey sida xanta Villa Somaliya ka soo baxeeysay lagu helayay waxaa liiska ugu horeeyay uguna cad cadaa rag kale, ma lagu qasbay xulashadaan ?

Cumar Cabdirashiid ma nin jilicsan oo lagu shaqeeysan karo danahana si fudud looga fushan karo oo aan mayal adkeenyn baa ?

Nikita-Krushev--150x150Somalidu waxay tiraahdaa “Dheg wax xun maqleeysa wax fiican ma weriso”, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqday markii ay isqabsadeen Raisulwaare Cabdiweli inuu ka guuleeystay beesha caalamka kedib markuu u sheegay ineey ka dhexbaxaan arimaha Somaliya, laakiin hadda wuxuu u muqdaa nin la yiri “Hadalkaa kaa soo yeeray horteena ma ka dhihi kartaa”

Waaagii uu wadankii Midoowga Sofiyeetiga ka talin jiray Hogaamiyihii Nikita Khrushchev (1953 – 1964) ayaa maalin isagoo qudbad u jeedinaya aqalka wadankaas laga xukumo ee Duma ayuu wuxuu aad u dhaleeceeyay una caayay hogaamiyihii ka horeeyay ee Joseph Stalin (1924–1953), kuna sheegay inuu ahaa nin keligii taliye ah oo arxan darn xukunkiisuna qalafsanaa, kedib markii ay qubadaasi dhamaatay ayaa laga dareeray golihii, nin ka mid ahaa mudanayaashii fadhiyay ayaa u adkeeysan waayay hadaladaas uu ku qudbeeynayay Krushev.

Warqad yar ayuu qoray isagoo aan magaciisa ku qorin kedibna uu miiska Krushev u saaray.

Joseph-Stalin--150x150Warqadda waxaa ku qornaa “Adigu waagaas waad joogtaye, maxaad uga hadli weeysay golaha uguna sheegi weeysay qaladaadkiisa”.

Krushev markuu soo laabtay ayuu arkay waraaqda u saaran miiska markii uu furay ayuu ku yiri isagoo la hadlaya dhamaan golaha “Ninka waraaqdaan qorayoow waxaan kuu sheegaayaa anigu waagaas golaha waxaan ka fadhiyay halka aad ka fadhidid maanta” taasoo uu ula jeeday cabsida kugu kaliftay inaadan ii sheegi karin wax aanan ii cuntameyn ayaa anigana maalintaa i heeysay.

Waxaan u soo qaatay sheekadaan,sida ay iila muuqato Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Somalida hortooda ka yiri ama ka dhihi karo sida ay Somalinimadu ku jirto kuma adka, laakiin markii uu xarunta Xalane ee wadanka looga taliyo uu hor fadhiyo raggaas ilama aha inuu siduu doono u hadli karo talana ay isagu ka go’do.

Somalidu waxay tiraahdaa  “aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa qadaa”. bal aanu ka warsugno iska dabawareegaan meesha uu salka dhigto. 

 

.

Qaranimo Online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment