41682 Views

Dhaqan aadan aqoon dhibaatadiisa lama XALIYO!

Dhaqan aadan aqoon dhibaatadiisa lama XALIYO!
____________________________________________________________________________
Toronto | QOL | November 9, 2014 | Maalintii ay Somaliya xornimada qaadatay 1960 ilaa maanta 2014 waxaa wadanka Somaliya soo maray Madaxweeynayaal iyo Ra’iswasaarayaal wada socday, laga yaabee in dadku u heeystaan ineey iyagu is doorteen laakiin sida ka muuqata 54 sanno kedib xoriyadda ay soo ifbaxeeyso in Madaxweynayaashaasi aysan welioodba xor u noqonin doorashada ra’iswasaarohooda, taasoo ay ugu wacneyd xiligii ay Somaliya Madaxbanaanida qaadatay oo uu gumeystihii mar walba isagu xulanayay ragga uu rabo ineey hogaanka Somaliya u qabtaan kuwaasoo uu isagu soo tababartay.
.
all-somali-government-405x184
Abeesana dhul u ekaan beey kugu dishaa wadaadna dad u kaan, 45 sanno kedib xukuumadihii rayidka ahaa waxaa ay Somaliya noqotay mid ay ka fududahay Somalidi xilligi gumeysiga, waayo 24kii sanno ee dagaalka ahliga ahi jiray waxay Somaliya ku hoos jirtay gacanta beesha caalamka, waxaa la yiri amaano kugu raagta inaad leedahay baad moodaa waxay ogaadeen beesha caalamku in Somaliya go’aankeedu uusan dadka Somalida ah ka go’in mar hadii uu meesha ka baxay is aaminaadii dadka Somalida, iyagoo isku dayay ineey inoo fududeeyaan kharash walbana ku bixiyaan sidi Somaliyi ukala tegi laheyd, islamarkaana ay noo mala awaaleen nidaam federal ah oo ay iyagu maalgeliyaan si dadka Somalidu xuduudo adag oo gumeystuha ku adkeyd xilligiisi inuu Somalida ku kala xiro ay maanta ugu fududaatay inuu ku kala xiro dadkaan dhaqanka iyo diinta wadaaga.
.
Somaliya dhibaatada ugu weyn ee heysata waxay tahay habka qabyaaladu noo kala furfurtay, islamarkaana qolo walba cadawga keliya ee ay leedahay uu noqday walaakiis oo uu u arko inuu yahay kan keliya ee ay ka go’an tahay inuu ka guuleeysto. Waxaa la yiri doqontu 12 indhood ayay leedahay kow iyo toban ka mid ah waxay ku aragtaa walaalkeed, taas ayaana keentay in habkaan qabyaalada ah oo ay somalidu wax ku qeeybsato uu dadka Somalida ah dhexdooda ka abuuray cadawtinimo sii dheeraaneeysa ee aysan aheyn mid isu soo dhaweyneeysa dadka Somaliyeed oo dhamaantood isku asalka ah.
.
.
Garoonka keliya ee lagu ciyaaro ciyaartaas ayaa waxay noqotay labada xil ee wadanka ugu sareeysa, kuwaasoo huwan cadawtinimadii cadawgu noo maleegaayay ee aheyd yaan lagaa guuleeysan. Somalida badankeedu waxay u heeystaan in madaxda sare ay isku qabsadaan arin siyaasadeed, laakiin markii aad dib u fiirisid raggaas mas’uuliyiinta ah talo ama siyaasad ay isku qabsadaanba gacanta uguma jirto, talada wadankuna iyaga kamaba go’do ee waa rag ‘remote Control’ loo soo dhoweeystay oo Xalane yaala lagu hago.
.
Rag talaa u roon Rahna roob iyo reys qoyane waxaan isweyndiinaa suurto gal ma tahay in qabiil wadan lagu hogaamiyo mise ka dhacday weli Somaliya in reer hogaanka wadanka qabtay uu ku guuleeystay umadana wax u qabtay.
.
Dadka badankiisu waxay u heeystaan in Somaliya ay burburtay 1991 laakiin markaad dib u fiirisid Somaliya wuxuu burburkeedu biloowday 1960 markii xurnimada la qaatay oo qaladkii ka dhashay 2daa xil ee sare magacaabidoodi iyo qaybsigoodi uu keenay koboca qabiilka kalifayna in Madaxweyne Somaliyeed  oo xil hayay la dilo , kedibna xukunkii laga faramaroojistay dowlad ku sheegyadii rayidka ahaa ee bilaabay loolanka siyaasadeed ee qabiilka ku dhisnaa, xukunkii mieterigana uu sii mataano badiyay qabyaaladii kuna baahiyay bulshadii aan aqoonta u laheyn qabiilka.
.
Nacas baa ku nagaada wixi ay dadku ku neceene, kuwa maanta joogana waxay isku heeystaan waa la mid waxyaabihii ay isku heeysan jireen lamaanayaashii iyaga ka horeeyay ee aheyd deriskaaga dagaalkaaga raba Dooradaada iga gesho ku dhahaan.
.
Madaxweyne Xasan Sheekh maalintii uu magacaabaayay Rai’swasaare Saacid wuxuu yiri waa ay dhamaatay ra’iswasaare iyo madaxweyne is qabqabsada maxaase ka danbeeyay oo aanu wada xusuusanaa in kii labadaad ay maanta sheekadiisu socoto, waayo wuxuu soo dhexgalay arin uusan war iyo wacaal u heyn, waayo nin aan wax joogo garan wax soo socdana ma garto.
.
Waxaan umada Somaliyeed u sheegayaa inaaneey weligeedna suurto gal noqon karin in ruux mas’uul ah uu runta jirta ka hadlo, waxaana badanaa maqalnaa mas’uuliyiin ka hadlaaya arin ay ogyihiin sida ay u jirto laakiin ay arinka siyaasadeeyaan waayo waxay soo dhexgaleen badweyntii, Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan “IDIN UUNSI IYO UMUL WAX MA SHEEGAAN”,waxayna mas’uuliyiinta qaranku maanta isugu jiraan nin naftiisa u nool iyo nin umadiisa u nool inta ay dadkaasi isku dhex jiraana  xalka Somaliya Ilaah baa u maqan.
By Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment