7902 Views

Doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2016!

Doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2016!

Hogaanka dalka & shacabka Soomaaliyeed diyaar ma u yahay doorasho sanadka 2016?

doorashooyinka-2016-1-405x315Toronto | QOL | March 3, 2015 – Wadamada horumaray oo ay u dhisan yihiin hay’ado qaran oo dhidibo adag ku taagan islamarkaana leh nidaam ay ku soo saaraan shuruuc iyo awood ay ku fuliyaan habka doorasho u dhacdo, waxay howshaas bilaabaan waqti aad uga horeeya xilliga uu qofka muwaadinka ah uu si xor ah codkiisa u dhiiban doono, iyagoo si taxadar leh u diyaariya barnaamijka ay hoowshaas ku fulin doonaan, islamarkaana ay xog ogaal u yihiin  shacabka ay howshaasi u qaban doonaan. Inta aan la gaarin doorasho in laga hadlo waxaa muhiim ah in ay diyaar yihiin qodobabada ay ka mid yihiin nooca doorasho ee loo baahan yahay in uu mas’uul xil ku qaado, hadaba waxaa is weeydiin leh waa maxay doorasho ?

Doorasho, waxaa lagu macneeyaa fikir shacabku ay ku soo bandhigaan kala xulasho sharci loo hogaansan yahay lagu maamulo, taasoo noqon karta doorasho hogaan (Ellection) ama ogolaansho/diidmo sharci  ama dastuur wadan u yaala (Referendum), taasoo lagu nidaamiyo habab la aqoonsan yahay laguna kala bixiyo codadka shacabku dhiibtaan, hababkaas oo ay kuwooda ugu caansan yihiin:-

Borda Count ama Single Winner: Waa habka caanka ah uu soo bandhigay nin xisaabyahan Faransiis ahaa lana oran jiray Jean Charles De-Borda, kuna yimaada dood dheer oo rag iyo dumar musharixiin ah dhexmarta kedib, musharax ku guuleeysto codadka degaamo(Constituency) la isku daro boqolkiiba inta ugu badan musharaxa hela, iyadoo la sheego tirada codadka la dhiibtay oo lagu cabiray habka boqoleeyda (Tusaale Musharax A= 62%, Musharax B = 38% ).

Instant-runoff or preferential voting: Waa nidaamka doorasho oo ay ku tartamaan musharixiin badan, iyadoo looga baahan yahay inuu musharuxu helaa cod ka badan 50% si uu u guuleeysto, laakiin hadii aysan dhicin in wareega hore la helo ruux hela codkaa, waxaa loo gudbaa wareeg cusub, iyadoo laga saaro wareega labaad musharixiinta codadka yaryar hela kedibna halkaa ay doorashadu qaabkaa ku sii socoto ilaa laga helo musharax ku guuleeysta codka aqlabiyadda, waxaa nidaamkaan u isticmaala doorashada guud wadanka Australia, iyadoo wadamo badana ay u isticmaalaan doorashooyinkooda Gobollada ama magaalooyinkoodaba sida Canada(Alberta).

Proxy voting: Waa hab u dhaca in koox ama shaqsi uu mas’uul ka noqdo bulsho ama dad la cayimay tiradooda( Tusaale halkii cod ee uu shaqsigan (Proxy) dhiibto wuxuu la mid yahay 2 milyan oo cod), kedibna kooxdaas ama shaqsiyaadkaas ay codkooda ku kala saaraan musharaxiinta, waa hab aad u muran badan oo badanaa lagu qancin xulashadooda, waxaana tusaale fudud kuugu filan habka barlamaanka Soomaliya ee hadda jira lagu soo xulay iyo habka ay Madaxweynaha u xushaan oo ah hab aysan bulshadu kuwada qanacsaneeyn.

Hadaba hadii aanu fiirino juhdiga ay u baahan tahay doorasho in la geliyo lana eego xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya maanta, iyadoo la isticmaalayo hab doorashadeedyada aan kor ku soo xusay siiba labada hab ee waafiga ah ee hore midkood, wax ma uga bilaaban tahay howshaas maamulka maanta jira ?

Jawaabtu waxay tahay maya, sababtoo ah qaab dhismeedka dadka Soomaaliyeed oo ah mid aan u bisleyn nidaam doorasho iyadoo ay ugu wacan tahay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-

  1. Qodobka ugu horeeya ee doorasho wadan uga dhacdaa waa in la ogyahay tirada guud ee wadankaasi yahay iyo tirada codeeyn karta ama buuxin karta shuruudda codeeynta, hadaba dadka Soomaliyeed oo qiyaastii ugu danbeeysay lagu sheegay (13.838.000 Qof) ahna inta wadanka ku sugan imisa ayaa ka codeyn karta, hadii xitaa la iska daayo tiro 2milyan ka badan oo wadanka dibadiisa ku nool xaqna u leh in ay aayaha wadankooda go’aankiisa wax ku darsadaan.
  2. Arinka kale ee muhiimka ah wuxuu yahay iyadoo aanan doorasho guud lagu qaban Karin Dastuur ku meel gaar ah, oo loo baahan yahay Dastuur dhameystiran cod dadweeynana loo qaado isla markaana ay ku qeexan yihiin dhamaan qodobada doorasho, xadididda tirada codadka loo baahan yahay inuu Xildhibaanka federalka helo, hab dhaqameedka iyo nidaam sharciyeedka wadanka oo qayaxan mugdina aanu ku jirin.
  3. Waxaa kaloo aan marnaba suurta gal ahayn in la qabto doorasho iyadoo aysan dhisneyn hay’adda Garsoorka Qaranka iyo xubneheeda oo uu dastuur sharci dhismeedkoodu qeexay ummadduna ansixisay ku dhisan.
  4. Dhibka ugu weyn oo ka imaanaya dadka Soomaaliyeed oo qabaa’il u kala gogo’an islamarkaana qola walba ay sheegato tiro ay iyagu sameeysteen , ujeedada ka danbeeysana tahay in qabiil walbaa isku sheego inuu isagu ka badan yahay qabiilka kale, hadaan tusaale u soo qaadano Somaliland waxay isku sheegtay sanadkii 2010 in tirada dadkeedu yahay(6.500.000 Qof) ahna tira le’eg kala bar tirada guud ee lagu sheegay 2014 dadka Soomaalida oo dhan, sidaa si le’eg ayay qabaa’il goboleedyaduna aaminsan yihiin, taasoo ay mushkilad weyn ka imaan doonto go’aaminta doorashooyinka Xildhibaanadda Federalka iyo tan Madaxweeynahaba iyadoo uu muran aan lagu heshiin doonin ka dhalan doono habka loo qeeybsan doono iyo sida arimahaas la isu waafajin doono.
  5. Dhismaha Maamul Goboleedyo iyo degaamo ansax ah oo la isku waafaqsan yahay, kuna habeysan qaab cadaalad ku dhisan.
Dalka Soomaaliya oo burburka ka hor dowladii ka jirtay lahaa qorsho lagu dhiso Gobol ama degmo, markii ay dowladii dhexe meesha ka baxday degaamo badan ayaa sameeystay maamulo abuurtayna Gobollo iyo Degmooyin aan lagu dhisin qorsho jaan go’an.
Dhulka Soomaaliya oo waxyar ka baaxad yar Gobolka Texas (696.241km2) ee wadanka Mareykanka waxa maanta uu ka kooban yahay 31 Gobol, laga bilaabo Gobolka Jubbada Hoose ilaa Gobolka Galguduud oo ah 10 Gobol oo u dhisan sidii ay ahayd khariidada Soomaaliya 1991 iyo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ahaa 8 Gobol maantana noqday 21 Gobol, iyadoo qiyaastii ay sameeysay hay’ada cuntada(FAO) ee qaramada midoobay sanadkii 2012 ay ku qiyaastay tirada degaamada waaweeyn ee gobolada Soomaaliya ay ku nool yihiin dad ka badan 8 Milyan oo Soomaali ah, halka degmooyinka kale iyo tuulooyinka wadanka guud ahaana ay ku dhaqan yihiin dad 5 Milyan ka badan.
.
No: Gobollada Caasimadaha Bedka ama baaxada
Gobolka (km2)
Tirada Dadka
1 Awdal Boorame 29.875 300,000
2 Bakool Xudur 26.962 130,000
3 Banaadir Muqdisho 370 2.7milion
4 Bari Boosaso 70.088 750,000
5 Baay Baydhabo 35.156 380,000
6 Galguduud Dhuusamareeb 70.126 295,000
7 Gedo Garbahaarey 60.389 85,000
8 Hiiraan Beledweyne 31.510 330,000
9 Jubbada Dhexe Bu’aale 9.836 80,000
10 Jubbada Hoose Kismaayo 23.300 420,000
11 Mudug Gaalkacyo 72.933 690,000
12 Nugaal Garoowe 26.180 140,000
13 Sanaag Ceerigaabo 69.374 190,000
14 Shabeellaha Dhexe Jowhar 22.663 280.000
15 Shabeellaha Hoose Marka 25.285 290.200
16 Sool Laascaanood 25.036 90,000
17 Togdheer Buraco 38.663 220.000
18 Woqooyi Galbeed Hargeysa 28.836 1.1milion

.

Markii aan eegno qodobadaas aan kor ku soo xusay ee saldhigga u ah  habka doorasho qaran ku iman karto islamarkaana aanu dib u fiirino hab degaameedka dadka Soomaaliyeed  ay maanta u degan yihiin iyo shaxdaan qiyaasta ah ee laga qaatay qeyb shacabka Soomaaliyeed ka mid ah, doorashana ay u baahan tahay in si dhab ah loo xaqiijiyo loona ogaado tirada saxda ah ee degaanada Soomaaliyeed oo dhan, islamarkaana aad ku cabirtid  awooda maamulka maanta jira iyo shacabka soomaliyeed oo is quursigu dhexyaalo, waxaa kuu soo baxaya in aanu midkoodna diyaar u ahayn kana suurto geli karin wax doorasho u qaab eg, nidaam doorasheed kasta oo la isticmaalo, iyadoo sababaha ugu waaweeyn aan ka soo qaadan karo:-

Sida aan ka warqabno maamulka Dowladda Federalka Soomaaliya oo aanu gacanta ugu wada jirin wadanka, qeybo badan oo wadanka ka mid ahna ay gacanta ku hayaan kooxo nabad diid ah, maleeshiyo beel/diimeedyo ama dowlad goboleedyo maamulkoodu ka amar qaadan maamulka dowladda federalka sharciyadooduna aysan ka socon karin.

Iyadoo waqtigii ugu badanaa ee maamulka Soomaaliya uu galay siyaasadda Villa Somaliya oo ay sababtay isqabqabsi madaxda sare iyo xildhibaanada baarlamaanka iyo Dastuurkii ku meelgaarka ahaa oo aanan weli la dhameystirin.

Waxaa kale oo iyana jirta dhisme maamul goboleedyo dadweeynuhu aysan raali ka aheyn oo dusha looga keenay xilligii ay dowladani jirtay iyo kuwo kale uu dhisme ku socdo oo ay Dowladu faraha kula jirto oo ay muuqanayso  in ay kaalin ka qaadaneyso nabad gelya xumada ka jirta meelo badan oo ka mid ah maamuladaas iyo caasimadda Muqdisho.

Gabagabadii xaalka doorashada lagu balansan yahay waxa uu u muuqdaa mid loogu gogol xaaranayo in waqti kordhin baarlamaanka iyo maamulka sare ee wadanka, iyadoo ay ku doodi doonaan in waqtigu ku yar yahay ayna doonayaan in waqti la siiyo ay ku dhameystirayaan howl aanan weligeed ka dhamaan doonin Soomaaliya gacan shisheeyna ka danbeeyso, danta laga leeyahayna ay tahay in aan dadka Soomaaliyeed weligood madaxa kor u qaadin.

 

| Qaranimo Online | Toronto

 

 

 

 

Share This Post

Post Comment