9375 Views

Aqoonsiga halkee laga raadiyaa?

Aqoonsiga halkee laga raadiyaa?

Taariikhda iyo qaab dhismeedka Somaliland !

Toronto | QOL | June 2, 2015 | 26kii Janaayo 1991 ayaa alaah u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka baxay magaalada Muqdisho, kadib markuu ka dhacay magaala madaxda gadood shacbi oo ay taageerayaan ururkii USC ee uu hogaaminaayey, isla maalintii xigtay ee 27kii Janaayo shir loo fadhiistay dalka jabuuti ayaa 29kii Janaayo waxaa iyadoon lagala tashan bulshada Somaliyeed madaxweyne ku meelgaadh ah loogu magacaabay Cali Mahdi Maxamed oo ka tirsanaa kooxdii manifeestada.

Dhanka waqooyiga Soomaaliya iyadana maalintii uu Siyaad Barre Xamar ka baxay maalintii xigtay ee 27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gudaha u soo galeen degaanadii waqooyiga iyadoo ciidamadii dowladii dhexe oo aad u hubeeysnaa horeyna u hortaagnaa jabhadahaa muddo dheer ka war heleen in dowladii dhacday, kedibna hub ku filan iskuna difaaci karaan ula soo dhaqaaqeen dhanka koonfureed, taasoo waqooyiga Soomaaliya ka dhigtay dhul ciidamadii qaranka aan gacanta ugu jirin oo ay beeshii degaanka deganeyd la wareegtay, sida ka dhacday dhamaan gobollada Soomaaliya.

18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu go’aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland.

Waxaa layiri sadex buu raggu is dheer yahay:-
Garashada wax soo socda
Wax ka qabashada wax jooga
Ka samridda wax tegay

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee isku magacaawda Somaliland oo ay hor boodaan rag ruug cadaa siyaasadeed ka wada ahaa dowladii dhexe ee Soomaaliya xilal aad u waaweeyna ka soo wada qabtay maamulladii 1960-1991 waxaan halkaan wax yar uga taataabanayaa taariikhda raggaas hogaamiya maamulkaas kuwooda ugu sareeya iyo xilalkii ay qaranka Soomaliya u soo qabteen.

Tuur-1Allaah u naxariistee, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweeynihii ugu horeeyay ee dowladda isku magacaawda Somaliland wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco, qiyaastii sida dad yaqaannay ay sheegeen, kun sagaal boqol iyo dhawr iyo labaatankii(192..?).

Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu magic dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waqtigaasi wuxuu ku aaddanaa 1943kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali arday ku fiicn waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirin kaalinta kowaad.

Cabdiraxmaan Axmed Cali ALLA ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe ee sheekh wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku soo dhammeystay dugsi sare oo la yidhaahdo XANTUUB oo ku yaalla dalka Sudan, magaalada Khartuum.

Wuxuu kadib shahaado sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la yidhaahdo Exeter University ee dalka Britain. Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay.

Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ay u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha Gobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya, iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loo beddelay Khartuum.

Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .

Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta oo uu joogay ilaa iyo 1984kii, xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.

Cabraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.

May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay Somaliland muddo labo sano ah.

Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.

April 1994kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay isagoo markaa ahaa guddoomiyaha SNM inuu ka noqday mowqifkii goonni isutaagga Somaliland oo uu aaminsanyahay nidaamka Federaalka oo ay ku midoobaan woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya .

Wuxuu noqday Cabdiraxmaan Tuur waqtigaasi ka dib madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee dawladdii Salballaadh ee uu Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waqtigaasi wixii ka danbeeyay wuxuu marxuumku u badnaa magaalooyinka Muqdisho iyo London, hase ahaatee wuxuu Hargeysa yimid bishii April ee sannadkan 2003, markaasoo uu u ololeeyay sidii uu u soo bixi lahaa doorashadii socotay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, kadibna wuxuu ku laabtay magaalada London oo uu ku geeriyooday 8dii November 2003, marxuum Cabdiraxmaan Tuur wuxuu heeystay dhalashada wadanka Ingiriiska.

cigaalAllaah u naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne 15kii bsihii August, sanadkii 1928dii ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal waxaa uu ahaa hoggaamiyihii ururkii xornimadoonka ee waqooyiga Soomaaliya ee la oran SYC, wuxuuna madaxka ahaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda ee ka soconayay halkaasi dabayaaqadii sanadihii 1959kii – 1960kii.

26kii bishii June, sanadkii 1960kii markii ay madaxbannaanida heleen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaa loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee aasaaska u dhigay midowgii labadii gobol ee ay kala gumeysanayeen dalalka Ingiriiska & Talyaaniga & dhismihii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan loo magacaabay Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilalka kala ah;-

1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
3. Ra’iisul wasaarihii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Dilkii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke isla markaana uu MD. Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal ra’iisul wasaaraha ka ahaa ka dib markii uu dalka si degdeg ah ugu soo laabtay waxaa lagu xukumay xabsi guri, ka dib markii ay talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay S/Gaas Max’ed Siyaad Barre, Intii ay talada dalka la wareegeen ciidamadii Soomaaliya muddo 2 jeer ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

Intii u dhaxeysay 1976dii-1978dii wuxuu ahaa danjirihii dowladda dhexe ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Hindiya,kedib biloowgii sanadihii sideetanaadka waxaa loo magacaabay madaxii rugta ganacsiga Soomaaliya.

Ka dib markii la riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Max’ed Siyaad Barre 26kii bishii January sanadkii 1991dii, wuxuu Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ee mar kale lagu soo doortay madaxweyne Cali Mahdi Max’ed, wuxuuna noqday wasiirkii dib u heshiisiinta ee dowladdii ra’iisul wasaare Cumar Carte Qaalib, wuxuuna si weyn uga soo horjeeday dhawaqii ka soo yeeray maamuleyaashii gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

16kii bishii May sanadkii 1993dii waxaa Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal loo doortay in uu hoggaamiyo maamulka Somaliland.

Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 3dii May 2002, wuxuuna ku guuldarreystay in uu aqoonsi u helo maamulkii uu madaxda ahaa ee ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka go’day 18kii bishii May sanadkii, 1991kii, Marxuumku wuxuu heeystay dhalashada wadanka Ingiriiska.

riyaaleDaahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1952. Wuxuuna dugsiga quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama.

Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974. Kadib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabadsugisaa ee NSS Sannadkii 1975.

Daahir Rayaale Kaahin oo derejada Gaashaanle Sare ka gaadhay ciidankii Nabadsugidda ee Dawladdii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 burburkii dawladdii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco iyo safaaradda Somaaliya ee Jabuuti.
23-kii February 1997 shirweynihii beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo 5 sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isla markaa Daahir Rayaale loogu doortay Madaxweyne Xigeenka Somaliland.

Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo kadib geeridii ku timid madaxwaynihii labaad ee somaliland mudane Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaas oo uu ahaa madaxwayne ku xigeen. Waxa uu ku guulaystay doorashooyinka Madaxtinimo ee somaliland bishii abriil ee sanadkii 2003, Daahir Riyaale wuxuu heeystaa dhalashada wadanka Faransiiska.

siilaanyoAxmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936,Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare wuxuu ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan ee Shiikh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946 ilaa iyo 1960.

1960-kii ilaa iyo 1965-tii wuxuu Axmed-Siilaanyo ku jiray Jaamacad ku taal Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaas oo uu ku qaatay shahaaddada koowaad iyo tan labaad ee cilmiga Dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965 ilaa Oktoober 1969, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu talada afgambi kula wareegay 21kii Oktoober 1969, waxaa Axmed-Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.

Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ilaa 1982 oo uu ka baxsaday dowladdii kacaanka.

1982, wuxuu tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM.

18 May 1991 shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen gooni isutaagga Somaliland wuxuu Axmed-Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993 wuxuuna ka tirsanaa ilaa 1997.

1997 ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta, isaga oo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu guddoomiye ka noqday.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed-Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 cod oo keliya, waanay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isaga oo madaxweyne ku xigeenna u sharaxanaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Seylici kuna guuleeystay, waana madaxweeynaha hadda ee maamulkaa aan aqoonsiga helin 25kii sanno ee la soo dhaafay.

Axmed-Siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirdde, oo ah qof aqoon yahan ah, Siilaanyo wuxuu heeystaa dhalashada wadanka Ingiriiska.

CirroGudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 29 April 1955, wuxuuna waxbarashadiisii dugsi quraanka ilaa dugsiga sare ku qaatay magaalada hargeeysa, kedibna wuxuu xamar u yimid dugsigii tababarka ee Xalane, isagoo kedibna waxbarasho jaamacadeed ka bilaabay jaamacadii ummadda ee Muqdisho, wuxuu kaloo taqasusyo ku soo qaatay wadamada Masar, Ruushka iyo Finland, wuxuuna ka soo shaqeeyay muddo dheer hay’adihii qaranka Soomaaliya,wuxuuna heeystaa dhalashada wadanka Ingiriiska.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Soomaliland Saleeban Maxamuud Aaden “Saleeban Gaal” waa saleebaan-gaalSiyaasi Caan ah Muddo Dheerna ku soo jiray Siyaasadda qarankii Somaliya.

Waxbarashadiisii Sare waxa uu ku Soo qaatay Dalka Ingriis-ka Gaar ahaan Jaamacadda Leeds University isagoo ku diyaariyay Shahaadad “B.A” History And Political science.

Saleeban maxamuud Aaden Shaqdiisii Ugu horeysay ee uu qabtaa waxa ay ahaydd Macalinimo isla Markaana waxa Uu soo qabtay xilal kala Ah . Maamule dugsi oo meelo kala Duwan ah Saleeban Maxamuud Aaden waxa kale oo uu Noqoday Madaxii Manaahjita ee wasaaradii waxbarashada iyo barbaariinta.

Waxa kale oo uu Somaliya ka Soo qabtay Jagooyin wasiir ku xigeena Ah oo fara badan oo ay ka Mid ahaayeen Wasaaradaha Tacliinta sare, Qorshaynta Qaranka iyo wasaaraddii Kaluunka iyo khayraadka badda, Saleebaan Gaal wuxuu heeystaa dhalashada wadanka Ingiriiska.

Shargeeysa-620x353

Hadaba markaad fiirisid raggaas xilalka ugu sareeya ee sadexda hay’adood ee Soomaaliland ka jira haya ama soo qabtay waxay wada yihiin rag ruug cadaa siyaasadeed aqoon fiicana u leh habka siyaasadda caalamku u shaqeeyso ogna waxa suurta gali kara iyo waxaan suurta gali karin, dhamaantoodna heeysta dhalashada reer galbeedka, qarankii Soomaaliyana xilalkaa muhiimka ah ka soo qabtay ilaa iyo xornimadii mid walibana taariikh iyo aqoon fog u leeyahay micnaha qaranimada, ayaa waxay hogaanka u qabteen dhulkii ay ka yimaadeen iyagoo bulshadii ugu fasiray in ay xornimadoodii ay la soo noqdeen maadaama nidaam qaldan ka jiray koonfurta.

Iyadoo dantoodu ahayd keliya qabasho xil, waayo midkoodna weligii maamul xafiis, safiir ama wasiir ka yar kama qaban dhamaan maamulladii Soomaaliya soo maray xornimada kedib, umana cuntami Karin inay noolaadaan iyagoo shacab ah waayo macaankaas madaxtinimada ayay muddo 30 sanno ku dhow ama noloshooda inta ugu badanayd ku soo qaateen dowladihii dhexe ee Soomaaliya soo maray.

Hase yeeshee iyagoo ka duulaya danno gaar ah ayay waxay ku tilmaameen hoowshii ay qaranka Soomaaliya u soo qabteen iyo qarashkii maalgelinta qaran ee aqoontooda lagu dhisay, waaya aragnimadii iyo aqoontii ay ka kororsadeena ay ogyihiin inay tahay tan u fududeeysay inay hogaanka qabtaan ayay ku fasireen inay ahayd mid qaldanayd ubadkii iyo dhalinyaradii degaamadaasna ugu sheekeeyeen sheekooyin ay caqliga uga xadeen iyo in qarannimada Soomaaliya iyo isu tagga koonfur iyo waqooyi oo ay iyagu keeneen lagu dulmay beeshooda, dagaal qaraar oo ay kala soo horyimaadeen dowladii koonfurta ka jirtay ay keentay in ay xukunkii ka tuureen sidaa darteedna ay go’aansadeen inay la soo noqdaan xornimadoodii, taariikhahaasina maanta ay ka mid tahay manhajka waxbarashada aasaasiga ah ay wax ku bartaan ubadka waqooyiga Soomaaliya.

Laakiin waxaa su’aal in la isweeydiiyo u baahan ah raggas maamuladii dowladihii dhexe ka soo wada shaqeeyay kuna andacooday in koonfurtu xuquuqdooda duudsisay ama maamuladii qaranka soo maray ay ka xaglin jireen reer Waqooyiga, ma ku dabaqeen maamul hufan dhulkii ay ku sheegeen inay xoreeysteen dadkiina ma u cadaalad faleen, xuquuq simana ma ku dhaqeen.

Waxaa kaloo isweeydiin leh dowlad ay iyagu rideen oo ay xukunka ka tureen miyay xornimo ku heleen, yaa laga xoroobay, mise xukun keli talis ah oo wadanka oo dhan dagaal la galay oo raggaa Somaliland madaxda ka ah oo dhan darajooyin sare ka hayeen, kana wada tirsanaayeen ayaa ummaddu kacdoon xukunkii kaga tuurtay min waqooyi ilaa koonfur ?

Jawaabtu waa cadahay inay xuquuq ka maqnayd u soo celiyaan iska daaye, waxay dadyoowgaa waqooyiga Soomaaliya lumiyeen xuquuqdoodii ay hore u lahaayeen 1991 ka hor, waxaa kaloo ay ku abuureen Soomaali naceyb, qabyaalad baahday oo dadkii dhulkaa deganaa ehelkana ahaa kala fogeeyeen, waxaa kaloo jira xuduud aan la aqoonin goorti Soomaali loo kala jeexay ay sameeyeen dagaal joogta ahna dadkii Soomaaliyeed ee dhulkaa nabadda ku joogi jiray lagu hayo maalin walba.

Waxay samaysteen calan, astaan iyo hees qaran, waxay kaloo sameeysteen astaamo ciidan iyo lacag u gaar ah oo ka shaqeeysa keliya degaamo kooban oo dhulka ay ka taliyaan ah.

Waxaa kale oo ay dhisteen gole baarlamaan iyo mid guurti, habka ay ku saleeyeen labadaa hay’adood oo ah hab la mid ah hab qabiileedka ay Soomaalidu maanta wax ku qeeybsato.

Golaha baarlamaanka Soomaaliland oo ku saleeysan nidaamka 1.5-ka oo lagu micnayn karo “ beesha dhexe iyo inta kale oo ay u yaqaanaan others”, wuxuu ka kooban yahay 82 mudane, iyadoo 37 xildhibaan oo ka soo kala jeeda Awdal,Sool, Sanaag Barii iyo beelaha laga tira badan yahay mooyaane inta kale ay yihiin beesha dhexe, halka golaha guurtidana uu isla habkaa u qeeybsan yahay.

Hadaba mar hadii ay beesha dhexe mudaneyaashoodu ay ka badan yihiin isku darka dadyoowga degaanka la wadaaga oo ay qaadatay 45 mudane keligeed, soow uma muuqato doodii beesha dhexe ee markii ay la midoobeen koonfurta oo ay iyaga keligood in xaqoodii la duudsiyay sheeganayeen in beelaha Sool, Sanaag Bari iyo Awdal ay halkaa maanta taagan yihiin xaqoodiina ka maqan yahay iyagoo kaga xaquuq roon maanta ama saamiga ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ka helaan uu ka mug weeyn yahay kan ay dowladda waqooyiga Soomaaliya ku heeystaan waana xaqiiq taasi.

Waxay dhisteen gole wasiiro oo ka kooban 20 wasiir, islamarkaana 14 wasiir ay ka soo jeedaan beesha dhexe, wasiirada ay beesha dhexe ku leedahay dowladda hadda jirta oo ah kuwooda ugu muhiimsan xukuumadda waxay kala yihiin:-

1. Wasiirka Arimaha dibedda
2. Wasiirka arimaha Gudaha
3. Wasiirka Maaliyadda
4. Wasiirka Qorsheeynta iyo Horumarinta
5. Wasiirka Warfaafiinta
6. Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka
7. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
8. Wasiirka Caafimaadka
9. Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Degaanka
10. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
11. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada
12. Wasiirka Kaluumeeysiga iyo Khayraadka Badda
13. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
14. Wasiirka Duulista iyo Hawada

Islamarkaana Gudoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka iyo kan guurtidaba iyo gudoomiyayaasha sadaxda xisbi KULMIYE Muuse Biixi, UCID Faysal Cali Waraabe iyo WADANI Cabdiraxmaan Cirro waxa ay ka soo wada jeedaan beesha dhexe.

waraabe-biixi-8-405x194

Hadaba markaan fiirino shaxdaa iyo qaabdhismo dowladeedka uu u dhisan yahay maamulka Somaliland eek u saleeysan habka 1.5-ka ma u eg yahay qaab dowlad qaran ama jiri kara mise waa dowlad beeleed , maxaysa tahay xaqa ka maqnaa oo ay hadda boobayaan yaysa ka boobayaan ileyn iyaga uun baa wax qeeybsadaye, aqoonsiga ay aduunka ka doonayaana soow kama horeeyo in marka hore shacabkaadu ku aqoonsado, mise suurta geli kartaa maamul sidaa u eg beelaha degaankaas dega ay aqoonsan karaan.

Waa su’aalo muhiim ah oo dhidibada u taagi kara qaran laakiin aysan isweeydiin ragga horbooda maamulka Somaliland waayo dan kama laha beelaha la dega ee waxay ku mashquulsan yihiin la ficiltanka dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo ay ogaadeen inaanay iyaga dhexdooda wax qeeybsan Karin intaanay u gudbin beelaha kale, aqoonsiga duniduna uusan suurta gal ahayn sidaa darteedna go’aansadeen inay ku baratamaan boobka hantida yar ee dekada Berbera oo ah isha keliya ee ay leeyihiin, jidka loo mari karaana uu la noqday in beeshu xilalka wada qabato, maadaama ay arkeen in beelaha kale ee degaanku ka cagajiidayaan maamulka ay dhoodhoobayaan ee caadifadda ku dhisan.

Qofka caqliga u saaxiibka ah baqdinta uu ka baqo wax uu is leedahay samee, waxa uu uga sii baqdin badan yahay inuu ka baaqsado sameeynta arinkaa, taasoo uu ogyahay inuu ka qoomameyn doono hadii uusan sameyn naftiisana ku canaanan doono baqdin doqoneedkii uu arin uu sameyn kari lahaa uga baaqsaday.

Shaqsiga hogaan u qabta qaran ama bulsho meel degan waxaa haboon in falalka iyo go’aammada uu qaadanayo noqdaan kuwa dhaxalgal ah taariikh fiicana u gala, ee aysan noqon falal xanuun lama iloobaan ah reeba.

warancadde-2-150x150Cali Maxamed Warancade waa wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliland, wuxuu ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadii la oran jiray nabadsugidda Soomaaliya NSS, wuxuu muddo dheer ahaa taliye ku xigeenkii hogaanka socdaalka Soomaaliya, wuxuu kaloo si weyn uga soo shaqeeyay hey’adda sirdoonka Soomaaliya, isagoo aqoon u lahaa dadka uu ka dhashay ahaana shaqsi kala garan jiray kan jabhadka ah iyo kan shacabka caadiga ah, eeda maanta uu ku eedeeynayo qiilka Somaliland ay goonida isugu taageeysana ay ugu horeeyso xasuuq loo geeystay 41 dhalinyaro reer waqooyi ahaa, lagana yaabo inuu basaasidooda lug kulahaa ma hubo laakiin, hadana maanta ah ninka markuu hadlayo dusha u saara madaxda dalka Soomaaliya ka soo arimisay dhamaantood oo ahaa rag waqtigii xasuuqaasi dhacayay dalka ka maqnaa oo jabhado hogaan u ahaa sida c/laahi Yuusuf, ama rag aan maamulka dowladihii dhexe aan wax shaqo ah usoo qaban weligood sida Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, ama rag la mid ahaa isaga oo aan ka tilmaami karo C/qaasin oo ay isku waqti mas’uuliyiin qaran wada ahaayeen, waxay u egtahay in isagu yahay lama canaantaa caanihii daadshay, ragga kalena ay yihiin cadawga reer waqooyiga, waana tan keentay inuu idaacad ka yiraahdo Soomaalida qaxootiga ah kama soo degi karaan xeebta Berbera.

Bal reer Waqooyiyoow is weeydiiya maxaa iska quseeya, gabar umul ah oo canug yar oo xanuunsan dhabta u saran yahay, dagaal dhul shisheeye ka dhacay uga soo carartay 3 maalmoodna badda ku soo jirtay iyo xasuuqii xeebta jaziira 1989 iyo aqoonsi raadin ?

Bal isweeydii dadkii wax xasuuqay ee aad sheegeeysaan maanta xagee joogaan ?

Bal is weeydiiya immisaa Soomaalida kale iska dishay, dagaal dabadheeraaday, dhul lakala qabsaday iyo arxan la’aan la isu gumaaday koonfurta, maantana ay xalay dhalay ka noqdeen, oo ay ku heshiiyeen inay wax wada dhistaan Soomaalinimadana ay kala weeynaatay dad la iska laayay ?

Dhulka waqooyiga Soomaaliya waqti aad u fog ayaan shaqo qaran u tegay, waa dad soo dhoweynta ku fiican dhaqanka Soomaaliyeed ee aan ku faanana u ah saldhigga, waa dad ixtiraam badan laakiin been abuurka iyo isku maaweelinta wax aan jirin ma aha wax waqti dheer jiri kara, inkastoo waqtiga gaaban ay u muuqato in arinku isku dubadhacsan yahay mala awaalka iyo lacalada ay hoowshu ku socoto goor ay ahaataba waxaa loo gudbaa xaqiiqada taasoo ah halka ay beentu ku sal iyo raad beesho.

Sareedo hadeey ku waarto
Haduu silic iyo dhib gaaro
Samaanteediyo xumaanteed
Soomaaliya Soomaali baa leh

 

.

.

By Mustafa Salad Awale | Qaranimo Online | Toronto

Share This Post

One Response to "Aqoonsiga halkee laga raadiyaa?"

  1. Asalaamu C. Sh. C/raxman waa ugu hambalyeynayaa Damaca Madaxweyninimo waana oranyaaa Hamigiisa Alle ha gaarsiiyo, Waxaan aaminsanahay Sh.C/raxmaan inuu Istaahilo oo si weyn uga wanagsanaanlahaa kuwii hore u soo qabtay Madaxnimada, Aqoonta aan u leeyahay Sh. C?raxman mudo 10 Sano ah ayaanu wada daganeyn Columbos. Ahmed Jama Seattle WA

    Reply

Post Comment