11142 Views

FEDERAAL .. FEDERAAL.. FEDERAL

____________________________________________________________________________

Mogadishu, 06 June 2015 –  Waxaan rabaa in aan halkaan ku soo gudbiyo fakarkayga ku Adan arinka maalmahan ay dadka qaar sidii wardiigii oo kle ay afka kadeyn la’yihiin  kaas oo ah Federaalka.

Anigu waxaan kamid ahay dadka kasoo horjeeda hirgalintiisa taasna macnaheedu maaha in ay baahi ii hayso wax gobolkale yaala laakiin waxay baahi ii haysaa walaalka gobolka kale jooga ee aan aaminsanahy in aanan kala maarmin dhanwalba.

Waxaan aad uga xumaaday in maanta la marayo in la yiraahdo waa maalintii dhaqanka ee dowlad goboleed hebel, war goormeen kala dhaqan naqanay oo aan kal diin naqanay o aan kala dad naqanay?
Hadaba bahda federalka waxaan ka doonayaa haday haayaan sabab lagu jeclaan karo in ay aniga iyo int ila midka ah ku qaniciyaan cudurkan la magacbaxay FEDERAALKA.

Maanso  ( FEDERAAL )

Falxadeey federaalku .
Dadku waysan fahmaynine.
Faqradaa u horeyso. .
Waa aan kala faano

Faqradiisa labaadna .
Malaha weysan u fiirsane. .
Faquuq baa ka dhex muuqdoo
waa yaan laysla fiiriisan

Fariintii nabigeenu (scw)
Diinti uu fidinaayay.
sidi ay na fareysay.
Federaal kuma oolin.

Shisheeyaa farsameeyay. .
Cadow baa falanqeeyay.
Cidkalaa la falaaqday. ..
fulaybaana saxiixay-

Ficilkaas xumhiisa.
Fitnadii ka tmaada.
Nimankii u fatwoodow.
Farta taaga hadeer.

Kii kalee facshirtaas
Fashilkaasu dhibaayo
Waxba yuu fududaysane.
Fakarkiia ha dhiibto.

Ninka foorinyee.
Feerihiisuna muuqdo.
Ma fuud baad u mlaysay
Bal Maxaad ku falaysay  ?

Ninka faafinayee.
Siidii faatoxo mooday.
Ilaahay fadligiisa.
Malagaa fasahaadshay ?

Fardoowstii Mahadaay.
Waxay fiito dulsaatray
Adoo fiin kudul joogto
War maxaad ku falaysay ?

Kolhadii Federaalki.
Furuq aan ku tilmaanay.
Inuu sii fash-fashaayo
Taa miyaad fahmi weysay.

Alahayoow Federaalku .
Fakar gaalada keentiyo.
fayrus weeye diilaa ahe
Allow uu fashilmaaa.

 Abdiaziz A. Mohmed  Xoogsade.

aziizxg@hotmail.com

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Leave a Reply to Anonymous Cancel reply