5178 Views

Tartanka Musharaxiinta Xilka Jubbaland

Tartanka Musharaxiinta Xilka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Ogoosto 14, 2015 — Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee maamulka Jubbaland ayaa maanta khudbadahooda ka hor jeediyay manta Mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland; iyadoo Mushararxiintu ay uga hadlayeen khudbadahooda waxyaalaha ay Qaban doonaan Haddii ay ku Guuleeystaan Xilka Madaxtinimo ee Jubbaland.

xilka-jubbaland-1

Musharraxiintan oo kala ah Musharax Axmed Max’ed Islaam, Hiloowle Aadan Maxamuud, Cismaan Xuseen Fayruus Iyo Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa waxa ay Baarlamaanka ka hor akhriyeen Khudbado ay uga hadlayeen waxyaalaha ay qaban doonaan haddii la doorto.

Sidoo kale, Musharraxiintan ayaa mid walba oo ka mid ah wuxuu baarlamanka ka akhriyay Khudbado aad u xiiso badan oo ay ku Sameynayeen ballan-qaadyo Waxqabad haddii ay ku guuleystaan xilka madaxtinimo ee Jubbaland. Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Ciidamo gaar ah la geeyay Xarunta Caymiska ee Kismaayo halkaasoo ay ka dhici doonto Doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Maalinta Berri ah ayaa la Filayaa in Xildhibaannada Baarlamanka Maamulka Jubbaland ay soo Doortaan Madaxweynaha Hoggaamin doona Maamulka Jubbaland.

xilka-jubbaland-7 xilka-jubbaland-6 xilka-jubbaland-4 xilka-jubbaland-5xilka-jubbaland-8 xilka-jubbaland-9 xilka-jubbaland-2

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment