5052 Views

Air Jabuuti oo billowday Duullimaadyadii Muqdisho

Air Jabuuti oo billowday Duullimaadyadii Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti, Ogoosto 15, 2015 — Diyaaradda Air Jabuuti oo dhawaan si rasmi ah loo Hir-geliyay ayaa billowday Duullimaadyo dhanka Xamuulka ah oo ay ugu kala Gooshi doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti.

Wasiirro ka Tirxan Xukuumadda Somalia iyo Danjiraha Jabuuti ee Somalia ayaa ka Qayb-galay munaasabad lagu Daah-furayay Duullimaadyada Air Jabuuti ay ku kala Tegi doonto Caasimadaha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Diyaarada ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay Jabuuti leedahay oo si rasmi ah uga bilowday duullimaadkeeda Muqdisho Muddo 24-sanadood ah, iyadoo duulimaad ku timid Muqdisho Jicmihii shalay ahaa, kana qaadday Muqdisho Shixnado u badan Moos.

Furitaanka Duulimaadyada Air Jabuuti ayaa Waxaa Hadallo ka jeediyay Xubno ay ka mid yihiin; Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga, Maamulka Rugta Ganacsiga Somalia, Xildhibaanno iyo Danjiraha Dalka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Danjiraha Jabuuti ee Somalia, Dayib Dubad Rooble ayaa Wuxuu Xafladda ka Sheegay in duullimaadka Diyaaraddan Xamuulka ah uu billow u yahay duulimaadka Diyaaradda Air Jabuuti kuwooda Rakaabka iyo Xamuulka ah ay ku imaan doonaan Muqdisho, ayna qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada waddan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac [Jingili] ayaa Tilmaamay in Socdaalka shacabka Walaalaha ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu horseedayo adkeynta Xiriirka labada dal iyo in dhankooda ay dib u bilaabaan dulimaadkii Diyaaradda Soomaali Airline.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo ah Wasiirka Warfaafinta Somalia oo isna ka Hadlay munaasabada ayaa soo dhaweeyay duullimaadka Air Jabuuti ay ku timid Muqdisho, isagoo xusay inuu billowday xiriirkii ganacsi ee labada waddan, iyadoo ay xusid mudan tahay buu yiri Doorka Jabuuti ee ku leedahay Nabadda  iyo dib u heshiisiinta Somalia.

Ugu dambeyn, Tan iyo Markii ay Soomaaliya ka baxday xilligii KMG-ka ahaa, waxaa soo Hagaagayay Xiriirka kala dhaxeeya Beesha Caalamka, iyadoo Waddanka Jabuuti ay Qayb ka tahay Dowladaha uu xiriirka Wanaagsan kala dhaxeeyo Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment