8910 Views

Doorasho noocaan ah hala Qabto 2016!

Doorasho noocaan ah hala Qabto 2016!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 17, 2015 | Soomaaliya waxeey ku jirtaa Xaalad aad u adag marka la eego Arimaha Siyaasada Dhaqaalaha Amaanka iyo waliba Horumarka waxaa jira Khilaaf hor leh oo ka dhan ah Hey,ada Fulinta Dalka oo Madaxweynihi baa Mooshin ka yaalaa, Ciidamadi waxeey kasoo baxayaan Degaanada qaar ee horay looga saaray Al Shabaab, Maamul Goboleedyadina qaar baa Dowlada kasoo horjeestay qaarna weey dhismi la’yihiin, qaar ka kalena waxaa markii horeba lagu xamanaayey ineey Madaxweynaha Saaxiibo dhaw yihiin .

Waxaa la filaayey 15ki Bishaan Agousto in la cadeeyo nuuca Doorashada ka qabsoomi karta Soomaaliya 2016, dhinac waxaa la dhihi karaa waxaa hakad galiyay Mooshinka ka dhan ka ah Madaxweynaha , dhinaca kalena waxaa la dhihi kara umaba diyaarsaneyn Dowlada Nuuca Doorashada qabsoomi karta waxeeyna Geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa in Xiligadheereysato .

Guddiga Doorashooyinka ee dhawaan la Ansixiyay waxaan ka sugeynay inuu sheego bal nuuca Doorasho ee uu qaban karo si hufnaan ah waxaanse maqlaayey in uu Dowlada ka sugaayey howshiisi oo uu lahaa haso cadeyso, tolow maxaa isaga howshiisu tahay hadii uuba dhihi Karin Nuucaan ayaa la qabana .

Waxaan is leeyahay nuucaan Doorasho ayaa Dalka ka dhici kara hadii la qaado Tilaabooyinka horay looga caga jiiday ee aay aheyd in la qabto waxaana ka mida Ansixinta iyo Hirgalinta Hanaan ka Xisbiyadda oo aay aheyd in Baarlamaanku Saxiixo marka lasoo diyaariyo taana ma dhicin .

Hanaanka Xisbiyaddu waxuu xal u noqon karaa dhibaatada jirta iyo kala badalkaa iyo isku dhacaan noqday Idaacad la dhageysto Maalin kasta , hadii la helo Qodobada Creteriyada lagama maarmaanka u ah iyo Sharciyadi looga baahna Xisbiyada waxaa fududaaneyso in laga maarmo Doorasho Qof iyo Cod oo aan hada muuqan in la qaban karo .

Waxeey nala tahay aniga iyo Xeeldheerayaal Siyaasadeed in aay fududahay in la qabto Doorasho hadii si deg deg ah loo Ansixiyo Hananka Xisbiyada oo laga sugaayo Baarlamaanka kadibna lagu soo kobo Tiro kooban oo xisbiya ah loona sameeyo Sharciyo aan kusoo koobi lahaa in Xisbi waliba uu ka koobnado dhamaan Beelaha Soomaali weyn uu sana ka yaraan 300 oo Xubno ah oo aan ula jeedo sida 275 Xilibaan + 25 Wasiir oo hada noo dhisan , Xisbiyadana lagu soo kobo 3 ama 4 Xisbi oo mid waliba ku dhan tahay Soomaali weyn, sidoo kale waa in la qeexa int Haweenka ee looga baahan yahay ineey ka qeyb noqdaan Xisbiga .

Tusaale hadii beel ku laheyd Baarlamaanka 4 Xubnood   Wasiiradana 1, Xisbi walibana waxeey ku galeysa sidaas waxaa marka Beeshaas kaliya ka galaayo Xisbiyada 15 hadii Xisbiyadu 3 yihiin kiiba 5 taas oo ah Xubno caadi ah oo aan xil heyn waxaa la rabaa in laba Xisbi laga badiyo halka Xisbina uu soo baxo sidaasna 5 Qofood oo kaliya aay ku heysato .

Waxaa markaa ka dib la isu keenayaa Ergo mataleysa Beelaaha oo laga kala keenaayo dhamaan Beelaaha soomaaliyeed Tusaale Beesha Hawiye waxeey Baarlamaanka ku leedahay 61 Xubnood waxaa laga casumayaa 61*10 = 610 Qof oo Ergo ah dhamaan Beealaha kalena sidaas oo kale , Ergadaas ma dooranayan Qof iyo Xubno kaliya waxeey u kala Codeynayaan 3 da Xibsi kii cod bata ayaana soo Dhisaya Dowlada Beel, kastana kuma Dulmana oo 15 Qofood oo Reer ah hadii aay tartamaan waxaa soo baxaya 5 halka 10 kalena aay fashilmeen ama Xisbigeey ku jireen laga badiyay.

Markuu guuleysto ugu horeyn waxuu dhexdiisa ka dooranayaa Qofki noqon lahaa Madaxweyne waxaana codeynaya Sadaxda Boqol waxuu Magacaabayaa Reysal Wasaare asna ka imaanaayo Xisbiga, isna waxuu soo magacaabayaa Golaha Wasiirada oo dhamaantood ka imaanaya Isla Xisbiga , kadib Xubnaha Beel waliba uga jiro Xisbiga waxeey soo Dooranayaan Xubinta Baarlamaan, waxuuna Dalka Maamulaa Xisbigaasu 3 Sano .

Waxeey ila tahay in aay fududahay Qaabkaan intii la oran lahaa hala Sameeyo Maamulo Gacan saar la leh Dowlado Shishieeye hadane laga dhigo Saxiixayaal kadib Nin waliba uu dantiisa ka eegto halkaas Dalkana la kala furfuro taas Waqti looma haayo .

Sidoo kale in la yiraa waxaa la sameyna Waqti kororsi inta laga gaaro Cod iyo Qof iyana waxeey abuureysa Khilaaf hor leh iyo in Waqtigu ku dhamaado is jiidjiid .

__________________________

By: Abdisalan Hussein Omar Jokar

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment