9798 Views

Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay

Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 18, 2015 – Daarasad ay sameysay hay’adda cilmi barista Badaha ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in xeebaha magaalooyinka ay saameyn ku yeeshaan wasaqda lagu shubo, taas oo dhalin karta in xeebaha ay dadku ku dabaashaan ay wasaqoobaan.

Guddoomiyaha hay’addan Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in carrada laga qodayo xeebaha Muqdisho, bullaacadaha iyo waliba dadka badan ee ku dabaalanaya xeebta Liido ay dhalinayso in biyaha xeebtu ay dhibaato caafimaad u geystaan dadka shacabka ah, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay hay’adu sameysay dhowr jeer.

“Waxaan qaadanay go’aan ah inaan baarno biyaha xeebta iyo carrada, waxaan ka baarnay afar meelood, meesha koowaad waxay ahayd Kawaanka bari ee xoolaha lagu qalo oo dhiiggu badda ku socdo, Liido oo ay Xamar inta deggan ku dabaalato jimcadii, Aw-Aweyska oo Xamar Weyne ah iyo Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Faarax Qare.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaaday in biyaha xeebahani ay dadka dhibaato dhinaca caafimaadka ah u geysan karaan bulshada, maadaama aad loo wasaqeeyay.

“Laba jeerbaan sameynay, natiijaduna waxay noqotay in biyahaasi aysan ahayn sidii la rabay oo ay joogaan heer ay noolaha dhibaato u geystaan, markii ay natiijadaasi soo baxday ayaan jecleysanay inay nala wadaagaan hay’adaha ku shaqada leh arrintaas iyo culimada ku shaqada leh cilmigan” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya.

Daraasaddan oo shalay lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaqda ay maraakiibta shisheeye ku daadiyaan xeebaha waddanka ay dhibaato kale ku wayso waddanka. Waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo aqoonyahanno ka socday jaamacaha dalka qaarkood.

liido_xeeb1

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment