6153 Views

Marwada RW Soomaaliya oo laga helay rasaas

____________________________________________________________________________

Nairobi | Agoosto 18, 2015 –  Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay warbaahinta dalka Kenya ay ka hadlayeen in marwada Ra’iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya Marwo Caasho Yaasin Xasan lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kadib markii Boorsadii ay wadatay laga helay Rasaas.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska garoonak Mr. Joseph Nthenge ayaa isagoo lahadlaya warbaahinta shalay u sheegay in Sabtidii bisha Agoosto 15 lagu qabtay qaybta baaritaanka caadi ah ay sameeynayeen howlwadeenada garoonka in Marwo Caasho Yaasin Xasan boorsadii ay wadatay laga helay 16 xabo oo Rasaas ah.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in Marwo Caasho Yaasin Xasan lagu sii daayay lacag dammaanad ah, isla markaasna loo ogolaaday iney sii wadato safar ay ugu socotay Wadanka Mareykanka oo la tilmaamay iney oga qeyb galeyso Shir muhiim ah.

Balse, Joseph Nthenge ayaa sheegay in dacwad Maxkamadeed lagu soo oogi doono Marwadaas marka ay Kenya dib ugu soo noqoto.

Garoonka_Diyaaradaha_Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment