5187 Views

Mooshinku waa fashilmayaa, Soomaaliyana waa guuleysan

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 19, 2015  – Shaki kuma jiro in Siyaasadda Soomaaliya ay dhab-jinayaan ama qasayaan, kooxo dana-gaar ah leh oo markii horeba dhib mooyee aan dheef u haynin ummadda Soomaaliyeed. Akharistoow, Tusaale yar aan idiin siiyo.

Inta badan Xildhibaanada sheegay inay Mooshinka ka dhanka  ah, Madaxwayne Xasan Shiikh saxiixeen sooma dhaafaan, Hotelo ku Yaala, Nairobi, Kenya, halkaas oo qaar ka mid ah ay Qamriga ku cabaan, maxaayeelay Hotelada xamar waa ay ka baqayaan haddii ay Qamri ku dhex-cabaan in la qarxiyo.

Waxa qaar kood la ii sheegay inay baarar Qamri ku lahaayeen Canada oo ay kadib Siyaasadda Soomaaliya soo-galeen. Rag ka mid ah kuwaasi waxay ka noqdeen Wasiiro-dowladihii hore ee meel-ku gaarka ahaa.

Idaacaddaha ayaan ka maqlay, mid ka mid ah Xildhibaanadaasi: Wuxuu yiri, Xamar, Xaaladeedu waa xun tahay oo wax ammaan ah kama jiraan. Wuxuu xildhibaankaasi joogaa Nairobi marka uu saas leeyahay. Soomaaliya waxan ka shaqeynayey, Illaa sanadkii 1999, illaa maanta. Waxa suxufiga caadiga ah ee aan dowladda u shaqeyn uu arki waayey, nin xildhibaan ah oo siyaasi ah oo caado qaata ah ma arki karo.

Shaki kuma jiro, in Maamul xumo ay ka jirto Soomaaliya laakin ma ahan xamar oo kaliya ee waa gees-ka gees Soomaaliya, halkaa oo ay masiirkii guud ee ummaddan afduubteen- hoggaamiye-kooxeedyo huwan magacyo-dowlad-goboleed.

Laakin, haddii ay Soomaaliya dhab ka tahay, inay gaarto Isbedel, dhaqaale, siyaasad, Amni waa in talada loo daayaa, ummadda, Siyaasiintuna ka shaqeeyaan, midnimo iyo, isku tanaasul.

Mooshinada, sida kan looga soo hoirjeeday, madaxwayne Xasan Sheikh waxa ay Soomaaliya dib ugu celin karaan, dagaaladii Sokeeye, iyo raadadkii xumaa ee ku dhisnaa qabyaalada. Waxana dadbkaasi uu qabsan karaa, Gees-ka gees Soomaaliya oo dhan, maadama hadda Xaduudo ay isku yhaystaan Maamulo-yar yar oo ay dowladdaha derisku dabada ka riixayaan, islamarkaana aysan talo badan ku lahayn dadka Soomaaliyeed. Dusha ayaa looga keenay dadka, qaar ka mid ah Maamuladaas aan ka hadlayo.

Mooshinka, qaar ka mid ah, Xildhibaanada Baarlamaanku ka gudbiyeen Madaxwayneha waa fashil ,waayo waxa uu u muuqdaa Xifaaltan  Siyaasadeysan iyo in Addunka lagu indhasaabo waxyaabo aan jirin, iyo Eedo aan waxba kala cadeyn oo la soo dhoobay.

Si kale, Mooshinkaani waxa uu daba-socdaa Mooshinadii hore looga keeni jiray, Madaxdii hore sida Alle ha u xariistee, Madaxwayne Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo dadka Caasimada ku nool ay si wayn uga soo horjeedeen waqtigiisii, sababtuna ay ahayd, in Ciidamo Itoobiyaan ah uu Taariikhda markii ugu horeysay ku soo hoggaamiyeyubucdii Soomaaliya,(Mogadishu), dad badana lagu laayey, gacmihii xabashida sidaas waxa qaba dad badan oo aan la hadlay.

Dadka reer Puntland maanta waxay diidayaan in la geeyo deegaanadooda, ciidamo ka socda AU, laakin Maalintii Cabdullaahi Yusuf Xamar keenayey xabashida way taageersanayeen. Anigu ma fahmi karo, farqiga u dhaxeeya, dadka Garowe iyo kuwa Xamar. Kaliya waxaan aaminsanahay inay yihiin dad isku dan, diin iyo isku Af, ah.

Isbedalka Siyaasadeed, waa inuu ku yimaadaa hab aan ahayn Mooshin.

Haddii aad aaminsantahay in wax dad kale aan u diidnay, adiga iyo anigu aan ku wada shaqeyn karno waa aad qaldantahay, runta in la sheegana waa lama huraan.

Caasimada: Magaalada Muqdisho, maanta iyo shalay waa kala fog-tahay waxana ka jira rajo aan lagu arkin 24-kii sanno ee la soo dhaafay. Dadku waa u xor ganacsigooda, guryahooda, dariiqyada, iyo wixii la mid ah, laakin waxa dad badan oo aan la hadlay ay ii sheegeen in iftiinka baxay uu ka yimid shacabka oo is xil-qaamay ee uusan ku imaanin, Siyaasad-hagta caasimada. Muqdisho waxan xasuustaa waqti aysan xitaa hal Maamul lahayn oo ganacsigeedu meel sare gaaray, taasoo dowlado badan oo adduunka  ay qireen, in Soomaaliya ay macalin u noqon karto dunidda kale oo ay bari-karto in dowlad-la’aan la noolaan karo. Sax ma ahan in laakin in dowlad la’aan la jiri karo, jiritaanka nuucaas ku yimaadana waa mid aan sal lahayn ama aan cago badan ku taagnayn.

Siyaasadda Soomaaliya waa in salka loo dhigaa, haddii kale anaga oo dhan waa sal kici doonaa.

Madaxwayne Xasan Shiikh: Jaale Madaxwayne, fadlan Dam-jadiid ka har illaa Soomaaliya ay ka yeelanayso, Nidaam, ku dhisan, Xisbiyo badan, dadka iyo dalkana ugu adeeg, dhex-dhexaadnimo, iyo Soomaalinimo, Xukuumaddana u adaa shaqadeeda. Waa sax Jaale, Madaxwayne, inuusan jirin Madaxwayne kaligiis meel taagan oo aan la taliyeyaal lahayn laakin fadlan, la taliyeyaashaadu waa ineysan noqon hal koox oo isku ujeedo ah, oo aad ku xulatay jaceylkaaga, halkii aad ku dooran lahayd, Soomaalinimo, karti iyo hufnaan.

Waxaan xasuustaa guulihii la gaarey waqti kooban oo ay si wadaniyad leh u wada shaqeeyeen, Madaxwaynihii hore Shiikh Shariif I, Ra’iisal wasaarihiisii  Mr.Farmaajo iyo golihii Baarlamaanka waqtigaa,. Anigu aad-baan uga helay siyaasaddii Ra’isal wasaare Mr.Farmaajo, wuxuuna quluubta dad badan oo xamar ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya ku reebay, xasuus iyo Taariikh aan la hilmaami Karin. Laakin nacab, Nacas, iyo Naaquude, shisheeye kal-kaal ah ayaa fahmi waayey oo fashiliyey, siyaasaddii Farmaajo ee ku dhis-need Sinaanan, iyo Soomaalinimo.

Alle ha u naxariisto Soomaaliya:

 Qore; Mohamed Odowa

E-mail: reporter.odowa@gmail.com

Mobile: +252618710824

Current Location: Mogadishu, Somalia

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment