4491 Views

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 19, 2015 –  Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiiru-dowlaha Waasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Xafladda waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo howlwadeenno, iyadoo Prof Yaxye uu si rasmi ah ula wareegay Xilka xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda.

Xoghayihii hore ee Wasaaradda Dr Xuseen ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaradda, intii uu xilka hayay sida ay ula soo shaqeeyeen, isagoo ka codsaday in si la mid ah ay ula shaqeyaan xoghayaha joogtada ee cusub.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Prof Yaxye in uu si hufan u guto xilka loo magacaabay, waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda inay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

xilwareejin-2 xilwareejin-4 xilwareejin-1 xilwareejin-3

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment