9045 Views

Khaliif Cabdi Cumar ” Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa labo Gobol oo isku baahan”

Khaliif Cabdi Cumar ” Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa labo Gobol oo isku baahan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 20, 2015 – Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye ku xigeynka dhanka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa ka hadlay Dhismaha Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,Amaanka Gobolka Hiiraan,Safiirkii hore ee Somali u fadhiyey kenya Cali AMeerica oo loo diiday in uu galo Magaalada Baladweyn iyo Guud ahaan sida uu u arko Hirgalinta Nidaamka Federaalka.

Gudoomiye Khaliif yaa ugu horeyntii waxa uu ka hadlay Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe…” Waa arin wanaagsan,waa arin farxad leh Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa labo Gobol oo isku baahan oo iskaabaya Dhaqaalaha ahaan iyo istiraatijiyad ahaan dadka ku noolna labada Gobola waa dad walaalo ah oo is fami kara”.

Gudoomiye Khaliif ayaa ka hadlay dhismaha Guddiga farsamada ee Bilowga u ah dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe….”Dhismaha Guddiga farsamada shacabka labada Gobol waxa ay u qaateen awood qeybsiga in lagu saleenayo Tirada aad ka qaadato in xildhibaanada iyo Ergada Beelwalba la siinayo tirada ay ka heleen Guddigaas sidaa darteed waxa ay qabiilada difaac ugu jiraan in aan lagu dulmin,Hadda soo xulista Guddigaan waxaa gacanta ku hayo Wasiirada iyo Gudoomiyaasha labada Gobol welina go’aan rasmi ah lagama qaato”.

Gudoomiye Khaliif ayaa sheegay haddii Dowladda ku guuldareysato in ay soo dhisaan Guddiga farsamada dib ha ugu soo celiyaan siyaasiyiintii horey ugu soo jiray dhismaha maamulkaan oo muddo labo sano ah ku mashquulsanaa.

Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye ku xigeynka dhanka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay in magaalada Baladweyn laga celiyo in uu soo galo Safiirkii hore ee Somaliya u fadhiyey dalka Kenya Ambaasadoor Maxamed Cali Nuur Ameriko” Aad ayaa ugu xunahay in safiirka la celiyo ciddii ka shaqeysay lama wadaagno aad ayaana ugu tacsiyeeneynaa walaalkeen iyo inta kale ee samaha jecel dhammaan dadka reer hiiraan waa dad samaha Jecel Raalina kama ahan arintaas”.

Gudoomiye Khaliif ayaa sheegay in Ammaanka Gobolka Hiiraan oo Meel fiican marayo marka laga reebo Tuulooyinka qaar oo ay ku harsanyihiin Kooxda Al-shabaab iyo go’deemin mararka qaar ay u geystaan degmooyinka Gobolka..”Ammaanka Gobolka Hiraan meeshii ugu fiicenyd ayuu marayaa marka loo eego Gobolada Dalka,waxaa haatan ka socdo Howlgalada lagu sifeenayo Gobolka Kooxda Al-shabaab oo tuulooyinka qaar ku harsan,Ciidamada Dowladda oo kaa shanayo kuwo Amisom waxaa u suura galay in ammaanka Gobolka wax ka qabtaan”.

Ugu danbeyntii Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye ku xigeynka dhanka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda iyo Hey’addaha Gargaargaarka ugu baaqay in kaalmooyin ay gaarsiiyaan Degmooyinka iyo tuulooyinka ay go’doomiyeen kooxda Al-shabaab, si xaaladooda Nolol wax loogu qabto maadaama dhibaatooyin badan ay heysato.

________________________
abdirahman-blackC/raxman Black
Muqdisho-Somalia

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment