4890 Views

Ogeysiis ku socda ganacsatada iyo shirkadaha badeecooyinka dalka keena

Ogeysiis ku socda ganacsatada iyo shirkadaha badeecooyinka dalka keena
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 20 August 2015 – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada dibadaha wax ka keena iyo kuwa u dhoofiyaba in laga bilaabo 15 bisha Sebtember, 2015 guud ahaan Soomaaliya laga hirgelin doono nidaam taya dhawr si loo ilaaliyo deegaanka iyo faya dhawrka shacabka Soomaaliyeed.

Badeecooyinka dalalka laga soo dhoofiyo inta aanan laga soo rarin waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan lagu ogaanayo tayada, kaddibna waxaa la siinayaa shahaado tayo oo caddeynaysa in badeecadaasi ay tayadeedu waafaqsantahay heerkii loogu tala galay.

Barnaamijkan waxaa fulin doona Shirkadda PGM oo khibrad dheer u leh baaritaannada tayada badeecooyinka kala geddisan, kana hawl gasha in ka badan 40 dal, xarunteeduna tahay dalka Turkiga, taas oo ay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, heshiis kula gashay in ay koontarool ku sameyso dhammaan badeecadaha dalka soo galaya si loo hubiyo fayo dhawrka dadka iyo deegaanka oo dayacnaa 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Shahaadooyinka ay bixiyaan xafiisyada PGM ee dibadda waxaa mar kale lagu hubin doonaa dekadaha iyo garoomada Soomaaliya oo ay shaqaalaha shirkaddu ku suganyihiin si looga hortago in la sameysto shahaadooyin been abuur ah.

Sidaa darteed waxaa ganacsatada Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay ku wargeliyaan shirkadaha dibadda ee ay xiriirka la leeyihiin waqtiga dhaqan gelinta barnaamijkan eek or ku xusan. Qaabka shahaadooyinka loo bixiyo iyo xafiisyada shirkadda ee ay ganacsatada la xiriiri karaan ee daafaha dunida waxaa laga akhrisan karaa www.pgminspection.com. Sidoo kale haddii aad codsanayso in shahaado laguu soo saaro waxaad farriin u direysaa email-kan conformity@pgminspection.com.

15ka bisha Sebtember waxay shirkadda PGM bilaabaysaa shahaadooyin ku meel gaar ah oo caddeynaya tayada badeecadaha la keenayo Soomaaliya. Shahaadooyinka waa la bixinayaa xitaa haddii aysan badeecadu gaarsiisnayn heerkii la rabay, balse waxaa lagu wargelinayaa qofka leh in tayada badeecadu aysan ahaydn heerkii la rabay. Shahaadooyinkaas kumeel gaarka ah waxay bixintoodu soconaysaa ilaa 31ka Oktoobar, 2015.
1da bisha Nofeembar, 2015 waxaa toos u dhaqan galaya barnamaijka tayo dhawrista, mana la ogolaan doono badeeco aan haysan shahaado tayo dhawr, lamana soo gelin doono dalka badeeco tayadeedu ka liidato heerkii loogu tala galay taasoo deegaanka iyo dadkaba caafimaadkooda dhibaato ku keeni karta.

Ugu dambeyntii, waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ganacsatada dibadda wax ka keena in uu bilaabmi doono siminaar ku saabsan sida hawshu u soconeyso, looguna gudbin doono qaabka wax loo baarayo iyo su’aalaha kale ee ay qabaan. Siminaarradaas waxay ka dhici doonaan dalalka Cumaan, Imaaraatka Carabta, Shiinaha, Kenya iyo Soomaaliya. Goobaha iyo taariikhda ay dhici doonaan waxaad ka akhrisan kartaa jadwalkan hoose.
Wixii faahfaahin intaasi dheer kala xiriir www.pgminspection.com/Somalia.

Taariikh Maalin Dalka Meesha
8/25/2015 Talaado Wafdiga PGM ayaa tagaya dalka Cumaan

8/26/2015 Arbaco Siminaar ku saabsan habka tayo baarista HILTON / SALALAH Saacadaha Siminaarka: 16:00- 19:00

8/27/2015 Khamiis Sinimaar ka dhacaya Imaaraatka Carabka ROTANA ALL GUREIR HOTEL, Dubai Saacadaha 16:00- 19:00

8/28/2015 Jimco Wafdiga PGM ayaa tagaya dalka Shiinaha

8/29/2015 Sabti Siminaar ka dhacaya Shiinaha CROWN PLAZA / Guangzhou – Saacadaha: 16:00- 19:00
8/30/2015 Axad Istanbul ayay Wafdiga ku laabanayaan

9/2/2015 Arbaco Kenya ayay usoo safrayaan

9/3/2015 Khamiis Siminaar ayaa ka dhacaya Kenya Laico Regency Hotel Nairobi Saacadaha: 16:00- 19:00

9/4/2015 Jimco Soomaaliya ayay imaanayaan

9/5/2015 Sabti Siminaar iyo tababar dhanka shaqaalaha ah Goobta wali lama cayimin. Saacadaha 16:00- 19:00

9/6/2015 Axad Soomaliya ayay joogayaan

9/7/2015 Isniin Istanbul ayay ku laaban doonaan

E-mail : moci@moci.gov.so

Contact phones: +252-612228222
Tel/Fax No: 252 1 856976

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment