4266 Views

Madaxweynaha: ‘’Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii argagixiso ee magaalada Kismaayo’’

Madaxweynaha: ‘’Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii argagixiso ee magaalada Kismaayo’’
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maanta lagu qaadey xarun ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso.

‘’Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii maanta lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku saabsan sida weerarkan u dhacay.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in dowladda ay xoogga saari doonto adkeynta xeryaha lagu tababarayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xerada weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ka socdey tababar qeyb ka ah barnaamijka heerka qaranka ee isku dhafka ciidammada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment