4407 Views

Warsaxaafadeed: R.wasaare Cumar oo cambaareeyey Qaraxii Kismaayo

Warsaxaafadeed: R.wasaare Cumar oo cambaareeyey Qaraxii Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 22.2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa cambaareeyey qarax loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray xaruntii hore ee Jaamacada Kismaayo, oo fariisin u aheyd ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad illaalinta ee AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in lagu carqadaladeeyo hannaanka dawlad dhisidda Soomaaliya, waxana uu R/wasaaruhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo alle uga baryay inta dhaawaca ahna in uu caafimaad deg deg ah siiyo. Isagoo tilmaamay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo weerarka ka hadlaya waxa uu yiri:

“Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed”.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Soomaaliya kama weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow”.

“Waxaan Tacsi u dirayaa ciidanka geesiyaasha ah ee ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliya ee weerarkaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa cid walba oo falkaas argagixiso ay waxyeelo kasoo gaartay” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid Sharmarke.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
media.opm@gmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment