6102 Views

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

____________________________________________________________________________

Mogadishu, 23 August 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xarunta carruurta darbijiifka oo 100 caruur ah waxbarasho looga bilaabay, Somalia iyo Masar oo heshiis dhanka waxbarashada wada saxiixday, Ciidanka Dowladda oo tiro Al-Shabaab ah ku dilay Gobolka Hiiraan, Booliska ayaa Muqdisho hub iyo maleeshiyaad Al-Shabaab gacanta ku dhigay, Baarlamaanka oo ka dooday Miisaaniyadda Dowladda 2015, Horjooge Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda, Ciidanka oo tababar Xaquuqul Insaanka ah la siiyey, Wasiirka Gaashandhiga oo booqday degmada Baardheere,Horumarinta Warbaahinta Dalka, Maxkamadda oo xukuno dil iyo xabsi ku riday eedeysanayaal, Somalia iyo Sweden oo heshiis is-faham kala saxiixday, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilkii la wareegay iyo Warshada Farsamada Gacanta oo la dhagaxdhigay.

Xarunta carruurta darbijiifka oo 100 caruur ah waxbarasho looga bilaabay

Xarunta carruurta darbijiifka oo loogu magac daray Mama Sahro Charity Center, ayaa bilowday howlo waxbarasho oo ilaa 100 caruur ah oo laga soo ururiyey magaalada Muqdisho si caruurtaas ay wax u bartaan isla markaasna laga joojiyo darbijiifka iyo muqaadaraadka ay isticmaalaan. Marwada Madaxweynaha Mama Sahra ayaa qorshahan ugu talo gashay in caruurta darbi-jiifka ah ay helaan fursad ay wax ku bartaan si ay u yeeshaan mustaqbal wanaagsan. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday howlaha adeega bulshada, bacdamaa amniga dalka soo hagaagayo waxey dowladda abuureysaa fursado ay ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay u gargaari lahaayeen walaalahooda dhibaateysan si dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax ku bartaan.

Somalia iyo Masar oo heshiis dhanka waxbarashada wada saxiixday

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa heshiis dhinaca waxbarashada ah la soo gashay dalka Masar. Marwo Qadro Bashiir Cali, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegtay safar ay ku tagtay dalka Masar ay heshiis dhinaca waxbarashada ah ay la soo saxiixatay dhiggeeda dalkaasi. Marwo Qadro ayaa xustay in heshiiska uu soo billowday markii madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay dalka Masar, waxeyna sidoo kale u mahadcelisay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar oo ay ku tilmaantay in uu kaalin weyn ka qaatay taaba gelinta heshiiskan.

Ciidanka Dowladda oo tiro Al-Shabaab ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa howl gal ay 18kii August 2015 ka sameeyeen gobolka Hiiraan ku dilay ku dhawaad 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal. Ciidammada ayaa ka howl galeen dhinaca galbeed ee gobolka, ayadoo meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 horjooge la keenay tuullada Luuq Jeelow oo qiyaastii 20 km ka xigta magaalada Beledweyne. Horjoogeyaasha dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah;
1 Abuukar Xaaji Xabiibulah Horjoogihii deegaanka Ceel Cade
2 Yusuf Sheikh Da’ud Horjoogihii degaanka Buq-Aqable
3 Max’ed Cali Cumar Dhuxul. Horjoogihii Tuulada Luuq-Jeelow
4 Cabdullhi Warsade oo u qaabilsanaa Dhinaca maaliyada ee gobolka Hiiraan iyo horjoogeyaal kale.
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku haya hal qof oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo u qaabilsanaa dilalka gaadmada.

Booliska ayaa Muqdisho hub iyo maleeshiyaad Al-Shabaab gacanta ku dhigay

Howlgal ay ciidamada Booliisku 18kii August 2015 ka sameeyeen xaafad ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS. Howlgalkan oo ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen guri ku yaala degmada Yaaqshiid oo lagu diyaarin jiray qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayeey ciidamadu ku guueeysteen iney gacanta ku dhigaan hub, walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan kooxda UGUS ee Alshabaab oo gurigaasi ku sugnaa. Ciidamada oo waaberigii saaka howlgalka billaabay ayaa sidoo kale waxey gacanta ku soodhigeen haweeneey iyo laba nin oo ku sugnaa gurigaasi kuwaasoo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax ayaa sheegay in xog ay ka heleen dadka deegaanka ay u suurtagelisay ineey ciidamadu galaan guri ay maleeshiyaadka ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Baarlamaanka oo ka dooday Miisaaniyadda Dowladda 2015

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 17kii August 2015 ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015-ka. Akhrinta Warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2015 waxaa Xildhibaannada u hor yimid Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeto oo Xildhibaannada u sharaxay sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyadda dalka oo ay ugu waaweyn tahay ineysan fulin ballan qaadyadii deeqaha dhanka dibadda ee horey loo ballan qaaday sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in isku filnaansho dhaqaalle la helo oo la isku tashto. Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta Wasiirka Maalliyadda kadib bilaabay iney tallooyin ka dhiibtaan islamarkaana su’aallo ka weeydiiyaan Wasiirka warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dalka 2015 waxaana Xildhibaannada ay si gaar ah uga hadleen suurtagalnimada inaan la dhimin mushaaraadka shaqaallaha rayidka ah ee Dowladda iyo Ciidammada oo ay u cuskadeen inaanay noloshooda ku filneyn, sababaha keenay in dowladihii deeqaha siin jiray Soomaaliya ay joojiyaan deeqahooda, aragtiyanse waxey Xildhibaannadu ka sinnaayeen iney haboon tahay in la jaro ama la dhimo gunnooyinka siyaasiyiinta iyo lacagaha ku baxa adeegyada xafiisyada. Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii tilmaamay in guddiga Maalliyadda lagu wareejinayo warbixintan si ay ugu soo daraan tallooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

Horjooge Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda

Horjooge Al-Shabaab ayaa 17kii August 2015 isku soo dhiibay Dowladda. Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Caraale ayaa sheegay inuu isi soo dhiibay horjooge ka tirsan Maleeshiyadka kooxda Alshabaab kaas oo in muddo ah dhibaato ku hayay dadka shacabka ah ee ku nool degmadaas. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba u fidineysay cafis maleeshiyaadka Al-Shabaab haddii ay ka tanaasulaan dagaalka, rabshadaha, argagaxisada iyo haddii ay diyaar u yihiin inay nabadeynta dalka ka qeybqaataan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in dib u heshiisiin iyo xasilooni siyaasadeed lagu gaari kara in cid allaale iyo cidii dooneysa inay nabad qaadato la soo dhoweeyo.

Ciidanka oo tababar Xaquuqul Insaanka ah la siiyey

Siminaar 4 maalin ah ayaa lagu qabtay Muqdisho oo saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lagu barayey muhiimada badbaadinta shacabka iyo gaar ah ilaalinta xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdalle Xuseen Cali ayaa siminaarkan soo xiray 16kii August 2015. Siminaarkan oo ay bixineysay hay’adda IIDA oo ka mid ah hay’adaha ka howl gala dalka. Saraakiisha ayaa ka faa’iideystay siminaarkan lagu baranayey ka hor taga ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo askareynta carruurta, waxaana saraakiisha ka qayb gashay tababarka ay meesha ka saareen in Soomaaliya ay ka jirto in carruur loo askareeyo ka mid noqoshaha ciidanka Qaranka. Marwo Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha Hay’ada IIDA ayaa sheegtay in siminaarka ujeedooyinka laga lahaa ay ahaayeen ilaalinta xaquuqda guud ahaan ee beni’adaamka, gaar ahaan tan carruurta Soomaaliyeed, tababarkaan wuxuu ahaa mid fikirka Soomaali ay lahayd. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Cabdalle Xuseen Cali ayaa uga mahad celiyay hay’ada IIDA siminaarka ay siisay saraakiisha Wasaaradda gaashaandhiga, dadka loo soo xiray siminaarka ayuuna la dar daarmay. Wasiir ku-xigeenka ayaa dhanka kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Wasaaraddu furtay akoon loogu talo galay in bulshadu uga qayb qaadato taageerida ciidanka xoogga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda UGUS, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka lagu taageero xoreynta dalka. Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka difaaca ayaa waxaa uu shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiisha loo soo xiray siminaarka oo 20 kor u dhaafayay.

Wasiirka Gaashandhiga oo booqday degmada Baardheere

Degmadda Baardheere ee gobolka gedo oo dhawaan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay ka saareeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa 20kii August halkaasi gaaray wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano kuwaas oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Baardheere ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland mudane C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana intaasi kadib ay kormeer ku sameeyeen qeybo magaalada ka mid ah iyagoo intaasi ka dibna kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Degmada. Xildhibaan Maxamud Cali Magan, Xildhibaan Bishaar Ugaas, Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ahaa wafdiga ayaa u mahaceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomalaiyeed iyo AMISOM dadaalka ay ugu jiraan dar dar gelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wasiir Ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cusmaan Libaax Ibraahim, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Axmed Daqare iyo sidoo kale Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dastuurka C/llaahi yuusuf Alankey ayaa si wadajir ah u sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada degmada Baardheere. Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in maamulka jubbaland uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato howlgalada maleeshiyaadka Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada tirada yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan si meesha looga saaro dhibaatooyinka kooxda bur burtay ay Shacabka u geysteen. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM dadaalada ay ugu jiraan in ay ka horatagaan dhibaatooyinka ay kooxda nabad diidka ah u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna wasiirka difaaca uu sheegay adeegyada kale duwan ee degmada ay dib u soo laabanayaan, wuxuuna sheegay in maanta wixii laga bilaabo uu si rasmi ah u furanyahay garoonka diyaaradaha ee Baar-dheere.

Horumarinta Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xiriirka Warbaahinta madaxa banaan Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala iyo mas’uuliyiin kale ayaa 15ka August 2015 kulan la qaatay safiirka Britain ee Soomaaliya H.E. Harriet Mathews, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowlada Ingiriiska uga qeyb qaadan laheyn Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya. Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa sheegtay inay Wasiirka ka wada hadalneen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, sidoo kale xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada shacab, waxaan kaloo ka wada hadalnay horumarinta Warbaahinta Soomaalida, arrimaha xuriyatul qowlka iyo sidoo kale horumarinta dhaqanka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in safiirka Britian ee Soomaaliya ay isku afgarteen sidii dowlada Ingiriiska ay usii xoojin laheyd taageerada ay Soomaaliya siiso iyo sidoo kale Horumarinta Warbaahinta Dalka.

Maxkamadda oo xukuno dil iyo xabsi ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday eedeysanayaal lagu helay inay geysteen falal la xiriira dil iyo Kufsi, iyadoo sidoo kale Maxkamaddu ay dib u dhigtay xukunada labo qof oo ka mid ahaa dadkii Maxkamada la horgeeyay. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 15kii August 2015 u fariisatay dacwado kufsi iyo dil ah oo lagusoo eedeeyay 7-qof oo mid ay dumar tahay, iyadoo inta badan eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagusoo eedeeyay. Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Maxamed Xasan Nuur oo dacwad ooge ka ahaa inta badan kiisaska Maxkamadda ay qaadeysay ayaa mid mid usoo bandhigay dambiyada loo heysto eedeysanayaasha, iyadoo qareenadana ay Maxkamada horteeda ay ku difaacayeen eedeysanayaasha. Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur uu ku dhawaaqay xukuno xabsi iyo dil isugu jira oo lagu riday 5-kamid ah eedeyasnayaashii Maxkamada la horkeenay, halka uu sheegay in dib loo dhigay Maxakamadeynta laba qof oo kamid ahaa shaqsiyaadkii maanta Maxkamada lasoo taagay. Abuukar Cabdi Axmed oo lagu soo eedeeyay in uu dilay Marxuum la oran jiray Xasan Cismaan Axmed Maxkamada Gobolka Banaafir waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, Qaasim Ciiley Cabdi oo ku eedeysan wiil yar oo afar jir ah uu ku sameeyay fal kufsi ah Maxakamadu waxay ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah iyo 10-Milyan oo ganaax ah, Maxamed Cali Maxamuud dib ayaa loo dhigay, Cabdiraxmaan Nuuraani Maxamed oo ku eedeysan kufsi inuu u geystay gabar yar oo aan qaangaar aheyn Maxkamada Gobolka Banaadir waxay ku xkuntay 15-sano oo xarig ah iyo 8-kun diollar oo ah dhibaatadii gaartay gabadha, Aweys Cabdinuur Ibraahim oo ku eedeysan inuu dilay marxuumad la oran jiray Nimco Cabdi Maxamed, Maxkamadu waxay ku xukuntay dil toogasho ah, Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo ku eedeysan baabuur uu waday uu ku dhintay Marxuum la oran jiray Cali Abshir Cali baaburkaas oo u rarnaa si taxadar la’aan ah oo aan sharciguna ogoleyn isaga darawalka ahna uusan heysan leysan Maxakmada Gobolka Banaadir waxa ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah iyo diyada Marxuumka oo ah 100-halaad.

Somalia iyo Sweden oo heshiis is-faham kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden 15kii August 2015, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay wada galeen mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNOPS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha. Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar. Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada Wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aanta, iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maalgelinta dhismooyinka ay wax-weyn ka taridoonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeedka u mahad celisay Dowladda Sweden waxay tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka Wasaaradaha. Geba gebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal. Dib u dhiska labada Wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horaanta sanadka cusub 2016.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilkii la wareegay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiiru-dowlaha Waasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo mas’uuliyiin kale ayaa 19kii August 2015 ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim. Xafladda waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo howlwadeenno, iyadoo Prof Yaxye uu si rasmi ah ula wareegay Xilka xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda. Xoghayihii hore ee Wasaaradda Ismaaciil Jimcaale ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaradda, intii uu xilka hayay sida ay ula soo shaqeeyeen, isagoo ka codsaday in si la mid ah ay ula shaqeyaan xoghayaha joogtada ee cusub. Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ah Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa kula dardaarmay Prof Yaxye in uu si hufan u guto xilka loo magacaabay, waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda inay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

Warshada Farsamada Gacanta oo la dhagaxdhigay

Wasiirka Cadaaladda oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo xeer illaaliyaha guud ee Qarranka ayaa 18kii August 2015 dhagax dhigay warshada farsamada gacanta ee maxaabiista oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo loogu talagalay inay wax ku bartaan maxaabiista xabsiga dhexe ku xiran. Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tilmaamay in Warshadda ay wax ku baran doonaan maxaabiista, isagoo intaa ku daray in shan xirfadood lagu baran doono oo ay ka midtahay dhismaha guryaha, harqaanka, alxanka, sameynta qalabka xafiisayada iyo kuwa kale. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 25 sano kadib la helo Warshad farsamo oo fursad siineyso maxabiista Xabsiga iyo Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay saraakiisha xabsiga inay xoojiyaan dadaaalka la doonayo in maxaabiista wax la baro. Xoghayaha guddiga cadaalada ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa ku booriyay Hay’adaha kale in si la mid ah Hormuud ay gacan uga geystaan dib u dhiska Dalka. Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in nolol loo sameeyo bulshada lana baro xirfado ay ku shaqeystaan, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fursad u siineyso maxaabiista inay noqdaan dad xirfad leh oo shaqeysan kara. Dhinaca kale Taliyaha Asluubta Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga arrimaha gudaha iyo ammniga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow iyo Xoghayaha guddiga Cadaaladda Xildhibaan Amiin ayaa kormeeray qeybta garsugayaasha ee Xabsiga dhexe.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho -Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment