4767 Views

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Agoosto 22, 2015 – Wasaaradda Amniga gudaha ayaa ka hadashay weerarkii maanta gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay dad shacab ah oo ku sugnaa isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho, isaga oo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen dad rayid ah oo u badnaa caruur iyo dumar, waxaana uu falkaasi ku cambaareeyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Shan qof ayaa ku dhimatay, todobo kale waa ay ku dhaawacmeen oo isugu jira carruur, haween, rag iyo dad kale oo goobta agmarayay, kuwaasi oo qaarkood saarnaa, gaadiidka dadweynaha ee wadada isticmaalayay” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qasaaraha dhimashada ay intaa ka badan karto, maadaama dadkii ku dhaawacmay qaraxa ay qaarkood ku jireen dad aad u liita.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in ciidamada amnigu ay wadaan howlgallo lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment