8805 Views

Mo Farah oo ku guuleystey tartanka caalamiga ah ee orodada 10.000 M

Mo Farah oo ku guuleystey tartanka caalamiga ah ee orodada 10.000 M
____________________________________________________________________________

London | Agoosto 22, 2015 —Orodyahanka Soomaaliyeed balse haysta dhalashada dalka Britain Mo Farah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ah tartanka orododa caalamka ee 10.000 Mitir isagoo ka yaabsaday saddex orodyahan oo Kenyan ah oo ka mid ahaa orodyahanadii la tartamaysay.

Mo Farah ayaa toddobo sano ka hor waxaa uu ka mid noqon waayay orodyahanadii ku tartamaysay garoonka ku yaal magaalada Beijing ee dalka Shiinaha isagoo ku suuxay kuleyl jirey awgii kuna haray wareega koowaad ee tartanka Olombikada ee 5,000m.

Wareegii ugu dambeeyay tartanka ayuu Mo Farah oo 32 jir ah waxa uu si xowli ah ku dhaafay orodyahanada reer Kenya ee Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui. Waxana ay noqotay billadan uu ku guuleystey tii 4aad ee tartan caalami ah oo ku guuleysto.

Mo Farah ayaa sidii caadada u ahayd waxa uu meel dhexe isaga jirey orodyahanada la tartamayay iyadoo heerka huurka uu ahaa 25 C inkastoo tartanku uu ahaa mid lagu beegay 10ka habeenimo xilliga caasimada dalka Shiinaha.

Hase yeeshee Mo Farah oo dhowaan tababaro ku soo qaatay dalka Faransiiska ayaa waxa uu rajeynayaa in toddobaad kadib uu ku guuleysto orodka 5.000 M.

Inkastoo dhowaan eedeymo loo soo jeediyay tababarihiisi Alberto Salazar ayaan hase ahaatee Mo Farah aysan wax saameyn ah ku yeelan iyadoo tababarihiisa Maraykanka ah uu beeniyay eedeymaha.

Mo Farah ayaa ku tilmaamay tartankan ugu dambeeyay inuu ahaa mid aad u adag isagoo cabsi xoog leh ka qabay orodyahanada ka soo jeeda Bariga Afrika ee Kenya iyo Ethiopia hase ahaatee wareegii ugu dambeeyay ayuu si xowli ah ku dhaafay orodyahanadaa oo rajo ka qabay in ay arkaan iyagoo gadaal u fiiriya orodyahanka ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalashada Britain.

mo-farah-1 mo-farah-3 mo-farah-5 mo-farah-6 mo-farah-8

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment