6696 Views

Xamar oo wado laami ah laga dhisayo

Xamar oo wado laami ah laga dhisayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Agoosto 23, 2105 – Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Jenral Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” ayaa Maanta dhagax dhigay Wado laami ah, Taas oo ka bilaaban doonta iskoolka 15 May Degmada Warta nabadda kuna eg iskooska Folorensa ama Iskooka Xararyaale.

Mashruucan Dib u dhiska dalka ah ayaa waxaa Maalgalinaya dowladda Norway iyadoo Wasaaradda maaliyaduna ay Ka qeyb tahay fulinta Mashruucan, waxaa iska leh Maamulka Gobolka Banaadir.

“wadadan waa Waddo Muhim ah oo halbowle u ah bulshadda Xamar dagan iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo laami Casri ah, shirkada dhisayso waxaan leeyahay laamiga waaa in uu ahaado mid sax ah oo si wanaagsan loo dhisay ayuu yiri Gudooomiye Muungab.

Ugu Dambeyntii Gudoomiye Muungaab ayaa uga Mahadceliyey dowladda Norwey Kaalinteeda dib u dhiska dalka ay ka qaadaneyso.

dhismo-wado-1 dhismo-wado-2 dhismo-wado-3 dhismo-wado-4

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment