22905 Views

Abwaan Barre Maxamed Fiidoow “Leento”

Abwaan Barre Maxamed Fiidoow “Leento”
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | Agoosto 23, 2015 – Soomaaliya intaanu gumeystuhu imam oo aysan noqon wadan dadka soomaaliyeedna ay kala deganaayeen deegaamada dhulka ay ku baahsan yihiin dadka Soomaalida ee afka Soomaaliga ku hadlo ee geyiga geeska Africa mudo aad u fog waxay lahaayeen bulshooyinkaasi dad aftahano iyo murti yaqaana ah oo bulshooyinkaasi dhexdooda amaan iyo sharaf kulahaa.

Sanadihii 1950yadii ilaa burburkii 1991, waxaa masraxyada gobollada iyo degmooyinka wadanka dadka madaadaalin jiray hobollo magacyo caana ku lahaa wadanka Soomaaliya guud ahaantiis, waxaa kaloo jiray mu’allifiin u shaqayn jiray dhaqanka ha ahaado mid waqooyi, koonfur, banaadir, maay iyo maxaa tiriba, dadkuna aad uga heli jireen.

Barre Maxamed Fiidoow oo ku magacdheer “Leento” waxa uu ka mid ahaa da’yartii bartamihii Todobaatanaadkii fanka soo galay isagoo fanka ka soo galay tababarid iyo macalinimo Ubixii degmada H/wadaag, kedibna ku biiray kooxdii halgan ilaahna heybad u siiyay curinta heesaha, gabayada,saarista laxanka iyo weliba ku luuqeeynta heesaha, waxaa kale oo jira heeso badan oo uusan isagu curin laakiin uu laxanka saaray.

Barre Maxamed Fiidoow murtida qiimaha baaxadda leh ee ay heesihiisu leeyihiin waxay u suura gelisay inuu fanaaniinta qaranka badankoodu ku luuqeeyaan heesaha uu curiyo isagoo aanan ku koobnaanin keliya kooxdii uu ka tirsanaa.

Barre Maxamed Fiidoow waxaa kale uu curiyay riwaayado fara badan oo laga dhigay goboladii wadanka Soomaliya badankooda iyo Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Teatre-ka, hadaan wax yar oo ka mid ah suugaantiisa ku xuso qormadaan waxaa ka mid ahaa heesihiisa;-

Heesaha Jacaylka iyo Arimaha bulshada wuxuu Abwaan Barre Maxamed Fiidoow ka tiriyay heeso aan ka soo qaadan karo kuwooda ugu caansanaa;-

1974 Yaan caguhu ku jabin Hanuuniye
1974 Alla hayoow maxaa iga qabsaday (jiririco) xaliimo codweyn, mar Zulfa, marne Farxiya Fiska
1974 Hayaan badan Cabdiqadar Xasan
1978 Caasi waalidiinoow Cabdiqadir Jubba iyo Nadiifo Cali Kulane
1986 Si un iigal (Ixtiraam) Mar Xabiibo Xassan Tooxow, marne Farxiya Fiska
1986 Waan dhalin yaroo Nadiifo Cali Kulane
1986 waa amaanta inaad u qalantaa Lafoole iyo Xabiibo Xassan Tooxow
1986 Cakuye Xabiibo Xassan Tooxow
1986 waa dhaawac culus Xabiibo Xassan Tooxow
1987 Markaan da’da jiray 15 Xassan Adan Samatar
1988 Kaska Cad (caashaqa) Xabiibo Xassan Tooxow
1989 Caashaqa dhabtaa Xabiibo Xassan Tooxow
1989 Uurkiyo qalbiga Xabiibo xassan tooxow
1993 Hayada Fudud Xabiibo Xassan Tooxow, marne Labadhagax
1993 sidii ulaha Nadiifo Cali Kulane iyo Lafoole
1993 I sheeko weydii Cabdi tahliil
1993 Halloow Cabdi tahliil iyo Xabiibo xassan tooxow
1994 Ruuneey Adaan dadka kuu jeclahay (Ruun) Lafoole
1994 Xugmaneyd dhacdo u daa Lafoole Iyo Xabiibo Xassan Tooxow
1994 Xeerka dumar marwa unoqo Boqol
1995 sidii nirigta Maandeeq Boqol, marne Lafoole
1995 Adaa sida xariirtii ah Cabdiqaadir Jubba
1996 Gefka inaan xambaarto Cabdow Aramram


Kuwa wadaniga ah:

 

1977 Halsan dheer Xaliimo codweyn
1978 Ahlan Wasahlan C/qaadir Jubba iyo Nadiifo Cali Kulane
1988 Wankii ducadee la qalay Xabiibo Xassan Tooxow
1988 Kun qade kowna haku daro Binti Cumar Gacal
1988 Darmaanta qaaliga ah Barre Maxamed Fiidow iyo Xabiibo Xassan tooxow
1989 Ninka yaa uwarama Qamar C/laahi Harawa
1989 Ma adinka umbaa is raba Saado Cali Warsame
1989 Ma intaan ka badan wax la aamusaa Barre Maxamed Fiidow marne Axmed mooge
1990 Dibi geeso weyn Xabiibo Xassan Tooxow
1991 Madfaca aqalkeyga gubay Xabiibo Xassan Tooxow
1991 Aduun waa tiro qabyo ah Hibo Maxamed
1991 Yaa qaranka daafacaya Barre Maxamed Fiidow marne Axmed Salli marna boqol
1992 Madhawa eelkiyo fidnadu Aadan Goobe
1992 Diyaarad hawada ku maqan Barre Maxamed Fiidow, marna Barrow
1993 Midnimada usoo noqo Axmed Nuur Jangow
1993 Weelkii fidnadee la dhuray mar Khadiijo Hiiraan, mar Cabdi Gacan marna Maxamed Faarax
1994 Hiddi Diya Hiddooy waxaa isla qaadeen 11qof kuwaasoo kamida: C/qadir Jubba, Lafoole iyo Khadro daahir
1994 Hoobal yaa wadani waxaa tanna sidoo kale isla qaaday 11qof kuwaasoo kamid ah: Maryan mursal iyo Lafoole
1996 Dumane geelow durduro heestaanne waxaa wada qaadeen dhowr iyo toban qof
2000 Adaa wabi iyo bad wada helay Maryan Mursal
2002 Qabyaaladi sow ma’aha Aadan Goobe
2004 Heybaddaadu waa qarankaaga Aadan Goobe

Riwaayadaha waxaa ka midka ahaa

 

1980: Riwaayadda Qabri Hadimo.
1. Labadeena waa kii Xaawo Hiiraan iyo Cabdi Hiiraad
2. Nabsi weel u culatay Maxamed Cali Liibaan iyo Xaawa Jallaato
3. Waqtigiyo Nasiib Xaawo Hiiraan
4. Wax la hubo ma heysaa Cabdi Hiiraad iyo Xaawo Hiiraan
5. Bohonyoow Cabdihiiraan
1984: Ruwaayadda: Ka Joog Adiga Maahee.
1. Ka joog adiga maahee Xassan Diiriye, Shankaroon, Axmed Iinshaar Iyo saafi Ducaale
2. Googaa Axmed Iinshaar iyo Shankaroon
3. Isu qabe aan loo qabin Xassan diiriye iyo Shankaroon
4. Ubixi Jaceylka Axmed Iinshar iyo Shankaroon
5. Tasho oo samir Axmed Iinshaar iyo Shankaroon
6. Waad heestay Axmed Iinshaar iyo shankaroon
1985: Ruwaayadda: Beeney Raadkaa Raacdo Kugu Maqan.
1. Caashaqa La Gaday Xassan diiriye, Shankaroon, Cabdibaadil, Iinshaar, xabibo, Sahro mire iyo nimco yasin
2. Aduunyoy Howlabadan Shankaroon
3. Taada islayaab Cabdibaadil, Sahro Mire iyo Nimco yasin
4. Jooga maqan Shankaroon
5. Hadal kuba gan Xassan Diiriye iyo Xabiibo Xassan Tooxow
6. Xog ogaala weydii Iinshaar, Shankaroon Xassan Diiriye iyo Xabiibo Xassan Tooxow

By Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment