8115 Views

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay Mooshinka ka Dhanka ah Madaxweynaha DFS

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay Mooshinka ka Dhanka ah Madaxweynaha DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Ogoosto 25, 2015 — Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah wax-garadka Soomaaliyeed ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha Somalia oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaan gudbiyeen, Wuxuuna Xusay in Mooshinkaas uu horseedayo dib u dhac iyo Ammaan-darro cusub.

Xaad ayaa sheegay inay ogaadeen in Mooshinkaas uu ku Saleysan yahay Afar qodob, isla markaana uu yahay mid Dibadad laga soo Abaabulay, isla markaana uu yahay mid la isku-hortaagayo Dowladnimada Somalia.

“Waxaan ogaanay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya uu ku saleysan yahay Afar Qodob oo ay ugu horreyso in Dowladnimada iyo Geeddi-Socodka Nabada lagu hor-istaago, in Dibadda laga soo Abaabulay, inuu yahay mid hannaan fool-xun kudhisan oo maamul goboleedyada jira qaarkood ay wax kasoo Abaabuleen, taas ayaanan  xaqiijinnay,” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Sidoo kale, Nabaddoonka ayaa xusay in Mooshinkan laga leeyahay dano gaar ah oo ah xil iyo xoolo lagu doonayo, isagoo intaas ku daray in haddii la sii wado uu sababi karo dib-u-dhac ku yimaada hannaanka Dowladnimo.

“Annagu waxaan ka Walaacsan-nahay in sidii dhacday Sannadkii 2012-kii oo kale ay mar kale dhacdo, Markaasoo laba Guddoomiye Baarlamaan ay noqdeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunoow, kaddib khliaaf oo dhex-galay Baarlamaankii xilligaa jiray,” ayuu yiri mar kale Nabaddoon Xaad.

Nabaddoonka ayaa intaas ku daray in Shacabka Soomaaliyeed uu dulqaadka ka dhamaatay, isagoo uga digay Xildhibaannada Mooshinka Wadda Haddii aysan ka Noqon ay Shacabka mooshin ka keenayaan, maadaama ay yihiin ku imaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Hadalka Nabadoon Xaad ayaa imaanaya xilli Guddoonka Baarlamaanka ay weli gacanta ku hayaan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan; gacanta loo geliyay 12-kii bishan Ogoosto, iyadoo aan wali la go’aamin xilliga Baarlamaanka la horgeynayo si looga doodo.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaana dhawaan dib loo dhigay Xiritaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Somalia oo ku beegan 27-ka bishan aynu ku jirno, inta laga Meel-marinayo Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment