4119 Views

R/Wasaare Cumar oo Dhambaal Tacsi ah u direy Madaxweynaha JFS oo Walaalkiis Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe ku Geeriyooday Nairobi.

____________________________________________________________________________

download (23)

Muqdisho, August 25, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa dhambaal tacsi ah u direy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo walaalkiis Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana uu Eebe uga baryay marxuumka in uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

R/Wasaare Cumar C/rashiid ayaa yiri:

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed , waxaan halkan Tacsi ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Soomaaliya guud ahaan, geeridii ku timid Madaxweynaha Walaalkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe oo ku geeriyooday magaalada Nairobi. Waxaan Illaahay Marxuumka u baryaynaa naxariistiisa Janno, sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Soomaaliyeed u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment