9231 Views

Taliska ciidanka ilaalinta deegaanka oo ka hadlay ilaalinta faya dhowrka

Taliska ciidanka ilaalinta deegaanka oo ka hadlay ilaalinta faya dhowrka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 25, 2015 – Taliska Ciidanka Ilaalada deegaanka Xammar ayaa ka Warbixiyay  halka ay marayaan howlaha shaqo ee ciidankaas kaddib kulan ay  isugu yimaadeen maanta Taliska ciidanka oo ka Muqdisho.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo ku taala  degmada shibis ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlaha shaqo ay ciidanka wadaan, iyadoo intii uu socday laga xog wareystay qaar ka mid ah ciidanka howlaha ka socda degmooyinka gobolka banaadir kuwaasi oo isugu jira qaadista canshuuraadka, ilaalinta faydowrka deegaanka iyo iyo kuwo kale.

Taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalinta deeganka Xamar Gashanle dhexe Axmed Xuseen Mahdi ayaa tilmaamay in shirkooda uu ku saabsanaa sidii ay ukala warqaadan lahaayeen, waxaana uu intaa ku daray in shirkooda uu guul ku soo dhamaaday.

“Saaka kulankaan aan isugu nimid, waxaan isaga xog wareysaneynay howlaheena shaqo oo lagu soo kordhiyey isla xisaabtan iyo in la wada ogaado canshuuraha laga qaado suuqayada degmooyinka Xamar, waxa uuna u dhexeyey shirkan saraakiisha sar sare ee taliska iyo taliyayaasha afarta lamood ee ilaalada deegaanka” ayuu yiri Gaashaannle dexe Axmed.

Taliyaha ciidamada illaalada deegaanka Cabdinaasir Maxamuud Indho Qarshe oo isna la hadley Warbaahinta dowladda ayaa sheegey in la dar dar galin doono shaqooyinka ciidanka ilaalada deeganku ay ka hayaan degmooyinka gobolka banadir  uuna jiri doono isla xisaabtan.

“Waxaan bilownay shaqooyin in la dar dar galiyo, oo ciidanka ilalada deeganka laga arko shaqooyinkii loo idmadey oo ay ka mid yihiin ilalinta canshuuraha bariga, fayadhowrka caafimaadka, ka qeyb qadashada amniga iyo in loo dhaga nuglaado shacabka loo adeegayo, waxaana jiri doona kormeero lagu hubinayo shaqooyinka ay hayaan”. Ayuu yiri Taliyaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment