5994 Views

VIDEO: Hooyo Soomaaliyeed oo tahriib ah kuna dul umushay markabkii badbaadiyay

VIDEO: Hooyo Soomaaliyeed oo tahriib ah kuna dul umushay markabkii badbaadiyay
____________________________________________________________________________

Minnesota | QOL | Agoosto 25, 2015 – Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raxma Abukar, 33 jir ah ayaa ku dul umushay markabka Schleswig-Holstein oo laga leeyahay dalka Jarmalka, kana soo badbaadiyay xeebaha Mediterranean.

Raxma ayaa markabka dushii ku dul umushay gabar ay u bixisay Safiya, waxaana ay gabadhaasi xaaladeeda lagu sheegay in ay tahay mid wanaagsan.

Hooyada iyo gabadha ay dhashay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka daryeelka oo ku yaal dalka Talyaaniga.

Raxma ayaa waxay ka mid aheyd 453 qaxooti ah oo isniintii laga soo badbaadiyay xeebaha Mediterranean oo saarnaa afar doonyood oo kasoo shiraacday dalka Liibiya. waana haweeneydii ugu horeysay ee ku dul umusha markab laga leeyahay Jarmalka.

Intii lagu guda jiray isbuucii la soo dhaafay, in ka badan 4,000 oo qaxooti ayaa la soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment