4791 Views

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kala duwan

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kala duwan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 27.2015 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii loo xil saaray baaritaanka qodobada lagu xusay mooshinka madaxweynaha iyo soo jeedin qorshe qaran oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah ee lagula koco dumarka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay guddiyadii loo xil saaray arrinta mooshinka, waxayna xubnaha goluhu isla garteen in la helo xal siyaasadeed oo waara, iyadoo la eegayo geeddi socodka nabadda iyo danta guud.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Drs. Khadra Bashiir Cali ayaa golaha warbixin dheer ka siisay safar ay ku tagtay dalka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la’aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Drs. Khadra ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah isla markaana ay ardada Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Sidoo kale, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi’in lahaa gudniinka fircooniga ah ee lagula koco gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falan qeyn kadib, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in la helo qorshe qaran oo laga dhaqan geliyo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi’inayo gudniinka fircooniga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment