4332 Views

Maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna oo is af gartay

Maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna oo is af gartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 August 2015: Warar naga soo gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegayo in Mammulka Galmudug iyo Ahlu-sunna ay heshiis kala saxiixdeen.

Labadaan kooxood, ayaa beryahaan dambe isku haystay maamulka Gobollada Dhexe oo dib u dhac ku keenay in la dhiso maamulka Galmudug oo la doonayay in Caasimad looga dhigo magaalada Dhuusamareb

Sida wararka an ku helnay maanta ayaa arintaas la so oaf jaray oo la kala saxiiday heshiis ku saleeysan in Ahlu-sunna la siiyo 25% wasiirada la magacaabi-doono maalmaha soo socda.

Xaflad aad u ballaaran oo lagu qabtay magaalada Cadaado ayaa waxaa ka soo qayb galay Sheikh Ibrahim Guureeye oo asagu ah Gudoomiyaha sadaxda Gole oo ay ka koobantahay Ahlu-sunna,xubno ka tirsan Barlamaanka Galmudug, madaxda ciidanka maamulka, Gudoomiyaha Fulinta Ahlu-sunn Shekh Maxamed Axmad Farax iyo Gudoomiyaha Talada ShekhCumar Cabduqaadir.

C/karim Guuleed ayaa marki uu saxixay heshiiska, sheegay in uu doonaayo Gobolada Dhexe dadka dega iyo deriskooda ay naba ku wada noolaadaan.

Wax war ah lagama hayo qaybta Ahlu-sunna ee hada ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

______________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment