5463 Views

Ahlu-sunada Dhusamareeb oo qaadacday heshiiski Cadaado

____________________________________________________________________________

Dhuusa-Mareeb1-195x110

Muqdisho, 28 August 2015: Heshiiski shalay lagu saxiixay magaalada Cadaado ee ka dhaxeeyay C/karim Guuleed iyo Shekh Ibrahim Guureeye, ayaa ka soo hor jeestay Shekh Maxamed Shaakir, kaas oo sheegay in dadka Cadaado ku heshiiyay ay yihiin kuwo marki horeba isla jiray.

“Annagu heshiiska Cadaado qayb kama nihin oo waxa noo dhisan maamul oo Ahlu-sunna heshiis ku  tahay. Saxiixa Cadaado Ahlu-sunna uma dhameeyn” ayuu yiri Shekh Shaakir.

Shekh Maxamed wuxuu intaa raaciyay in heshiiski shalay lagu saxiiay Cadaado, in uu ahaa mid beesha Calamka lagu marin habaabinaayo ee uusan ahayn mid la rabo in Gobolada Dhaxe maamul xalaal ah loogu sameeyo.

Arinta Gobolada Dhexe ayad mooda in ay ku socoto meel halis ah, taas oo u eg in dagaal hubeeysan uu ka dhaco Galmudug.

______________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment