5025 Views

Madaxweynaha Galmudug oo goor dhow ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada

Madaxweynaha Galmudug oo goor dhow ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada
____________________________________________________________________________

Cadaado | QOL | Ogoosto 28, 2015 — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhow kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Golaha  Wasiirrada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xildhibaannada maamulkaas iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirrada Maanta la magacaabay ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli shalay ay Degmada Cadaado heshiis awood-qaybsi ah ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug, kaasoo ka koobnaa afar qodob.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug oo ay horay uga dhammaatay xilligii uu ku soo magacaabi lahaa Wasiirradiisa ayaa bishan gudaheed waxay xildhibaannada Galmudug ugu kordhiyeen 15-maalmood si uu heshiis ula galo Ahlusunna.

wixii soo kordhana goordhow kala soco Qaranimo Online…

____________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment