4458 Views

Dibadbax Ballaaran oo Marka ka dhacay

Dibadbax Ballaaran oo Marka ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 August 2015: Dadweynaha ku nool Magaalada Marka, ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay Maanta Dibadbax xoogan ka sameeyeen Gudaha Magaaladaasi.

Boqolaalka Dibadbaxa ayaa waxay ka soo horjeedeen Maamulka Cusub uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan uu Maanta Magaalada Marka geeyay. Shariif Xasan iyo wafdiga la socday ayaa waxa ay la kulmeen carada shacabka Marka degan, xilli ay  Magaalada ka dhacayeen dulmi xanuun badan oo dil, dhac iyo kufsi oo ciidamada AMISOM ay ka geesanayeen bilooyinki dambe.

Shacabka Reer Marka ayaa ku eedeeyay Sharif Xasan, inuusan waxba u qaban, kana hadlin xasuuqi ay dhawaan AMISOM u geeysatay shacabka aan hubaysanayn oo weligii nabad gelyada ku noola inti ka horreysay Maamulka Shariif Xasan.

_____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment