4845 Views

Xildhibaanadi Galmudug oo diiday Wasiiradi shalay lagu dhawaaqay.

Xildhibaanadi Galmudug oo diiday Wasiiradi shalay lagu dhawaaqay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 August 2015: Shalay ayeey ahayd marki uu C/kariin Guuleed ku dhawaaqay golahiisa wasiirada, balse maanta ariintu inti hore way ka duwantahay.

Xildhibaano gaaraya 30 ayaa maanta ka soo hor jestay wasiiradi uu Madaxweynaha Galmudug ku dhawaaqay oo ka koobna 24 wasiir, 4 wasiiru-dowla iyo 24 wasiir ku xigeen.

Nin xildhibaanada u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh Cumar Maxamud “ Mahadalle” ayaa sheegay in wasiirada ay aad u badanyihiin taas oo ay ku haboontahay in Guuleed uu dib ugu naqdo lana tashado Barlamaanka. “ Wasiirada waa in ay intaa ka yaraadaan, lagana soo reebo in yar oo taya leh”ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cumar Maxamud.

Waa dhibaata cusub oo soo wajahday C/kariin Guuleed, taas oo keeni karto in Xildhibaanada ku midoobaan in ay u diidaan cotkooda wasiiradaan faraha badan, si Madaxweeynaha uu dib ugu noqdo howlo muda dheer uu ka soo shaqeeynayay.

Balse waa la arki-doonaa wixi ka soo baxa, in kastoo dad badan ay sheegayaan in dhibaatdaan ay salka ku hayso waxa loo yaqaan FEDERALKA oo la isku qasbaayo

_____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment