7515 Views

Ciidanka Axmad Madoobe oo Doolow maxaabiis ku xasuuqay.

Ciidanka Axmad Madoobe oo Doolow maxaabiis ku xasuuqay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31.2015 – Warar naga soo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in 4 maxaabiis ah oo mid ay tahay Gabar, lagala baxay Xabsigi ay ku jireen, ka dibna la wada toogtay ayada oo an la garaneeyn sababta dadkaas loo dilay ayada oo an maxkamad la keenin.

Arrintaan naxariis darrada waxaa ka dambeeyay Ciidanka Axmed Madoobe, balse sida na soo gaartay, amarka waxaa bixiyay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha &Amniga ee Maamulka Jubaland, kaas oo lagu magacaabo C/rashiid Xasan Nuur “ Janan”

Dadkaa ee Ciidanka Axmed Madoobe ay dileen ayaa magacyadooda kala ahaayee

1- Aadan Deerow Cabdulle

2- C/risaaq Faarax Mire

3- Sanyar Xusen Maxamed ” Waa qof dumar ah”

4- Axmad Maxamed Guurow

Dadkaan dilkoda lama ogaan lahayn, hadii ayna arki-lahayn dad Reer Miyi ah oo goobta kula kulmay marki ay arrintaan naxariis darada ah dhacaysay.

Ma ah marki ugu horeeysan ee Axmad Madoobe sidaa dad u xasuuqo tan iyo marki uu qabsaday Jubaland 2012ki.

_____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment