5361 Views

General Indha Qarsho oo Awoodiisa Adeegsaday

General Indha Qarsho oo Awoodiisa Adeegsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31.2015 — General Indha Qarshe oo ku amray naafadi ku jirtay Isbitaal Martini in deg deg ah looga saro, asagoo an macneeyn sabata sidaa uu u sameynayo.

Naafada ku jirta Isbitaalka Martini, ayaa ahaa kuwa ku soo dhaawacmay dagaalki 1977 dhax-maray Ethiopia iyo Somalia. Ayaga oo an daryeel wanaagsan haysanin ayaa loogu darayaa in laga saro meeshi hoyga u ahayd mudo dheer.

Af-hayeenka Ciidamada naafada ah Cabdi Mahad, ayaa sheegay in sarakiil ka socda Militariga Somaaliyeed ay ee uu soo diray General Dahir Aadan Cilmi “ Indha Qarsho, “ ay ku war geliyeen in ragii u naafoobay Wadanka dartii ay uga guuraan Isbitaalka Martini mudo 15 maalmood ah.

Waxa la yaab leh, in dad ayaga oo daafacaayo Wadankooda sidaa loo galo, ee laga saro Isbitaalka Martini ayada oo an la siineeyn mel kale oo ay ku noolaadaan

Waxan weli la ogeeyn in Wasiirka Gaashaandhiga General C/qaadir Shekh Cali Dini, uu arrintaan la socodo iyo in kale.

_____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment