7629 Views

Lix qofood oo xalay lagu dilay Ceelasha Biyaha

Lix qofood oo xalay lagu dilay Ceelasha Biyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31.2015 — Warar naxdin ee naga soo gaaray Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in xalay lagu dilay ila lix qofood oo dhalinyaro ah.

Lixadaan qofood ayaa meydkooda laga helay meelo kala duwan e degmaas ah, balse cid sheegatay ma jirto. Dadka xaafadaha degan ayaa sheegay in loo maleeynayo in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada nabad sugida kuwaas oo la ogyahay in xalay ay howlgal ballaaran ay ka fuliyeen Ceelasha Biyaha.

Ila hada lama hayo faah-faahin arintaa ka soo baxday, balse waxaa laga war sugayaa in Ciidamada Nabad Sugida ay wax faah-faahin ka bixiyaan saacadaha soo socda.

_____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment