4872 Views

Xukuumada iyo Maamulka Jubba oo isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka dhismaha ee Baarlamaanka Jubbaland

Xukuumada iyo Maamulka Jubba oo isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka dhismaha ee Baarlamaanka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 30.2015 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayay ayna ka ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano ayaa maanta gelinkii hore gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaana ujeedada safarkani uu ahaa sidii loo tixgelin lahaa cabashada ka dhalatay dhismaha Baarlamaanka Jubba iyo habka awood qeybsiga ee beelaha degaanadaasi ku dhaqan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo, waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha maamulka Jubba Axmad Maxamed Islaam Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wadahadalo saacado qaatay kadib, ayaa laga soo saaray qodobada hoos ku xusan.

1. Maamulka Jubba waxa uu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaanka Jubba, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay
2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubba tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisii ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib heshiiskan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dhaqangelinta qodobada ku xusan heshiiskan.

Kismaayo3Kismaayo6 Kismaayo4 Kismaayo3 Kismaayo2 Kismaayo1

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment