6804 Views

Ciidanka Ethiopia oo dad shacab ah ku laayay meel u dhow degmada Ceelbuur

Ciidanka Ethiopia oo dad shacab ah ku laayay meel u dhow degmada Ceelbuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 September 2015- Wararka na soo gaarayo ayaa sheegayo in ciidanka Ethiopia ay ku dileen dad shacab ah oo an hubeeysneyn. Shalay gelinki dambe ayaa askarta Ethiopia ay dishay 4 qofood ay ku jiraan macallin Dugsi Qur’an iyo nin Sheekh ah oo aad loo yaqaan. Sidaas waxaa sheegay Cali Faarax Kheyre oo ka mid ah nabadoonada deegaankaas

Waa la sheegaya in dadkaan guryahooda logu tegay, la dilay, isla markaana ay Ciidanka nolol ku wateen dad gaarayaa 11 qof oo ila hada an la ogeeyn meel la geeyay.

Ma aha marki ugu horreysay ee ciidanka Ethiopia ay dad shacab ah laayaan oo waxa la ogyahay dilaal ka dhacay Halgan oo odayaal dhaqameedyo lagu dilay.

Dadka shalay lagu dilay Ceel Qooxke waxaa ka mid ahaa Sheekh C/raxmaan Ciise.

____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment