7107 Views

Abdulqaadir Sidii oo kashifay sirti Janaale

____________________________________________________________________________

cabdiqaadir-Maxamed-Nuur-Siidii-620x330

Muqdisho, 2 September 2015 – Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose, ayaa sheegay in AMISOM ciidan badan looga dilay weerarki ka dhacay degmada Janaale, taas oo AMISOM ay si kale wax u sheegtay.

“Shaalay waberigi werarki lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Janaale, askar faraban ayaa loo laayay” ayuu yiri Gudoomiyaha oo waramaayay idaacada ku hadasha afka Alshabaab ee Alfurqaan.

Asbaabta loo qabsaday Janaale ayuu gudoomiyaha ku micneeyay in ay tahay ayada oo la dayacay oo aysan joogi Boliis iyo Nabad Sugid oo Dowlada ka socodo, marka in la qabsado layaab ma laha.

“ Janaale 3 sano ka hor ayaa la xureeyay ila maantada la joogo ma laha Boolis iyo ciidan Nabad Sugid ah”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo begmay ayadoo AMISOM sheegtay in qasaaraha Janaale ka soo gaaray uu aad u yaraa.

____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment