4182 Views

Ra’iisl wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM

____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 1,2015 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday saaka aroortii xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka kooxaha nabad diidku ay ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamada naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta dalkeena Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale yiri.

“Qorshaheenu waa in dalka laga sifeeyo haraadiga kooxahaasi caadeystay daadinta dhiiga ummada, waana muhiimada koowaad ee Xukuumadeyda sidii looga ciribtiri lahaa goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin”.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment