6660 Views

Ciidaman Cusub oo Muqdisho lagu Tababaray.

____________________________________________________________________________

ciidan-tababar-1

Muqdisho, 3 September 2015 – Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Dini, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Xooga Dalka, kuwaas oo ay Muqdisho ku tababartay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Xaflada xiritaanka tababarkaan, ayaa waxa ka soo qaybgalay, xubno ka tirsan labada golo, saraakiil Ciidamada Qalabka sida iyo sarakiil ka socota dowlada Imaaraadka.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa sheegay in cidamadaan ay gogol dhig u yihiin dhismaha Ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh, daafacna u noqon karo wadanka iyo dadka ay wax u barteen oo ah umada Soomaaliyeed.

“Tababarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan oo dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri General C/qaadir Sheekh Cali Dini.

Wasiirka ayaa u mahad noqoy Dowlada Imaaraadka Carabta, kuna amaanay sida wanaagsan ay had iyo jeer u tageeraan Soomaaliya.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaana aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin. Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino

tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u idman yihiin”ayuu Wasiirka hadalkiisa ku xiray.

 

ciidan-tababar-7

 

ciidan-tababar-9

 

ciidan-tababar-10

 

___________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment