4623 Views

Madaxweynaha oo Talyaaniga kula kulmaya hoggaamiyeyaal iyo shirkadaha maalgashiga

Madaxweynaha oo Talyaaniga kula kulmaya hoggaamiyeyaal iyo shirkadaha maalgashiga
____________________________________________________________________________

Milan, 3 September 2015: Madaxxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Milan ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Carwo Caalami ah oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga la xiriira.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin wasiirro, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa dowladaha iyo ganacsatada ka qeybgalaya carwadan kala hadli doona sidii ay Soomaaliya maalgashi ugu sameyn lahaayeen, gaar haan dhinaca tamarta korontada oo udub dhexaad u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo wax soo saarka.

Carwada Caalamiga ah ee Milan 2015 ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigaya barnaamij u gaar ah Soomaaliya, kadibna waxaa xigi doona shir gaar ah oo looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beri magaalada Roma kula kulmi doona Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella iyo xubni kale oo ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intaanu soo gaarin dalka Talyaaniga ku hakadey magaalada Djibouti, halkaas oo uu wadahadal gaar ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellle, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment