8607 Views

VOA Wareysi: Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte

VOA Wareysi: Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte
____________________________________________________________________________

Washington | QOL | September 3, 2015 –  Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegtay iney socdaan kulamo wadatashi ah oo laga qeybgelinayo siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in kulamadaasi wadatashiga ah looga arrinsanayo qaabka loo wajahayo hiigsiga 2016-ka.

“Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona bilaananna doona kowda September kuna eg 30-ka November  , waxaana wadatashigaasi ka qeybgelidoona xukuumadda, baarlamanka, maamul goboleedyada bulshada rayidka ah iyo qurbajoogta, intaasi waxey ka wadatashan doonaa maadaama aney hal qof iyo hal cod aysan suurtagal aheyn in wixii suuragal ah miiska si wadajir ah loo saaro” ayuu yiri mudane C/raxmaan yuusuf Cali Ceynte wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wixii ka soo baxa wadatashigaasi la soo bandhigi doono bisha Decembar,  isagoo xusay in xilligaasi wixii ka dambeeya la hirgelindoono natiijada ka soo baxda wadashagaasi ee la xiriirta qaabka ay u dhicidoonto doorshada sanadka 2016-ka.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment