4455 Views

Madaxweynaha: ”Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan”

Madaxweynaha: ”Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan”
____________________________________________________________________________

Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Carwada Caalamiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhacaysa magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso colaaddi sokeeye, lana sameeyay horumar dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina ay suuragelineyso in shirakadaha kala duwan ee caalamka ay maalgashan karaan Soomaaliya.

nd-somalia-dettaglio-1‘’Soomaaliya waxay leedahay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaan leenahay dhul beereed, kheyraadka badda, xoolaha nool iyo weliba kheyraadka shidaalka iyo macdanta. Sidaa darted waxaan 148 dowladood ee ka qeybgalaya carwadan, gaar ahaan Talyaaniga u sheegayaa in waddankeena uu diyaar u yahay ganacsi iyo maalgashi. Dhanka kheyraadka beeraha, waxaan aaminsanahay in haddii si wanaagsan loo maalgashado ay Soomaaliya gacan ka geysan karto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dunida. ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sameynta sharciyada maalgashiga, isla markaana sharciyadaasi noqon doonaan kuwa ugu fiican qaaradda Afrika ee soo jiita shirkadaha maalgashiga caalamka.

nd-somalia-dettaglio-2Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah uga hadley xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo ka mahadceliyay doorka Talyaanigu ka qaadanayo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dhanka xasaradda dadka u soo haajiraya waddamada Yurub, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xal wadajir ah ay la yimaadaan dalalka caalamka.

‘’Arinta muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka imanaya Afrika, waxaa loo baahan yahay in waddamada Yurub ay Afrika gacan ku siiyaan abuurista fursado dhaqaale oo ku dhiirigelinaya dhalinyarada inay dalalkooda ka shaqeystaan halkii ay naftooda khatar u gelin lahaayeen, iyagoo fursado dhaqaale ka raadinaya waddamo ka fog dhulkooda’’.

nd-somalia-dettaglio-3Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga, Roberta Pinotti oo ka wakiil ahayd Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, ayaa iyana hadal ay ka jeedisey goobta waxay kaga hadashey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dalkeeda uu si buuxda qeyb uga yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

“Xoojinta xiriirka labada dal muhimad gaar ah ayay inoo leedahay. Mudane Madaxweyne dowladda Talyaaniga waxay soo dhoweyneysaa hoggaankaaga wanaagsan ee dib u soo kabashada Soomaaliya, siiba dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidaa darted waxaad xisaabta ku darsataa in Talyaanigu uu yahay saaxiib dhab ah oo aad leedahay oo kugu taageeraya hawlaha muhiimka ah ee aad hayso’’, ayay tiri Roberta Pinotti, Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment