6684 Views

Madaxweynaha Galmudug iyo wasiiro DF oo tegay Ceelbuur

____________________________________________________________________________

guleddd

Muqdisho, 05 September 2015 – Madaxweynaha Galmudug oo ay la socdaan Wasiirka Gaashaandhiga, Xildhibaano Barlamaanka Federalka iyo wasiiro maamulkiisa ka tirsan, ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Booqashada Wafdigaan ayaa ku saleeysan in ay hubiyaan xalaada degmadaas oo laga dayrinaayay tan iyo marki Shabaabka ay ka baxaeen

Wafdigaan uu hogaaminayay C/Karin Guleed ayaa la kulmay ciidamada AMISOM, kuwa Dowlada iyo madaxda maamulka degmada Ceelbuur ayaga oo kala hadlay xaalada nadabgelyada iyo mida bani’adanimo oo meesha ka jirta.

Sidoo kale wafdigaan ayaa kormeer ku tegay meelaha muhimka u ah dadka ku nool, sida ceelka kaliya eek u yaal Ceelbuur.

Wafdiga ayaa lagu wada in ay ku soo laabtaan Muqdsho ka dib marka ay soo afjaraan safarkooda soona qiyaasaan dhibaatada ka jirta degmadaas oo dad badan ay ka qaxeen marki jahawareerka ku batay.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment